BTS: Odayaal Dhaqameed Somaliya ayaa Siminar nabada la xiriir uga furmay Muqdisho

Wednesday February 02, 2011 - 17:47:10
0 Comments
829
Super Admin
Odayaal Dhaqameed Badan oo Somaliya ayaa Siminar nabada la xiriir uga furmay Caasumada Dalka somalia Moqdisho
In ka badan 150-Odayaal dhaqameed ayaa maanta Seminaar uga furmay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho, waxaana furitaanka seminaarkaasi ka soo qeyb galay madax ka tirsan Golaha Baarlamaanka KMG ah, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kuwaasi oo iyagu khudbado kala duwan u jeediyay ka qeyb galayaasha seminaarka oo ciwaanku ahaa: “Sideen codkeena u gaarsiinaa dhallinyarada la marin habaabiyay?”.

Seminaarkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wadahadalka Bulshada (CCD) Xildhibaanada khudbadaha kala duwan ka jeediyay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Xasan Cali Warento, Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Xildhibaan C/llaahi Axmed Garuun, kuwaasi oo dhammaantood sheegay in odayaasha dhaqanka ay yihiin kuwa kaliya ee iyagu ka qeyb qaadan kara wacyi gelinta dhallinyarada la marin habaabiyay, waxayna Xildhibaanada ku booriyeen odayaasha inay xaafadaha Muqdisho ku qabtaan wacyi gelin dhallinyarada looga digayo khatarta uga imaan karta inay naftooda u horseedaan halaag adduun iyo aakhiro beel ah isla markaasina loo horseedo wadada toosan.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in odayaasha ka qeyb gelaya seminaarka uu Alle ku garab siinayo dadaalkooda ku wajahan sidii ay dhallinyarada uga wacyi gelin lahaayeen fikradaha qaldan ee lagu shubanayo, isagoo sheegay in kooxaha diinta ka been sheegaya laga adkaan karo haddii ay odayaashu isku duuban yihiin isla markaasina guusha ay iyaga u dambeyneyso.

Sidoo kale waxaa halkaasi khudbad qiimo badan ka jeediyay Xildhibaan C/llaahi Axmed Garruun oo sheegay in dhallinyaradu ay yihiin waraaq cad isla markaasina loo adeegsan karo dhinaca wanaagsan amaba dhinaca xun oo ay ku xiran tahay cida markaasi ku toosisa labada dariiq midkood, wuxuuna sheegay in dalka la soo geliyay dhaqamo shisheeye isla markaasina lagu baabi’iyay caruurta Soomaaliyeed, sidaasi daraadeed wuxuu odayaasha ku booriyay inay u istaagaan sidii caruurtooda ay uga celin lahaayeen dhaqamada shisheeye ee ku saleysan inay dhallinyarada dadka dilaan isla markaasina gowracaan oo ka leexiyay dhaqankeenii wanaagsanaa.

Xubnaha odayaasha dhaqanka ee iyagu halkaasi khudbadaha kala duwan ka jeediyay waxaa ka mid ahaa: Nabadoon Khaalid Cabdi Jimcaale oo sheegay in odayaashu ay awood u leeyihiin dhallinyarada inay u horseedaan isla markaana u tilmaamaan dariiqa saxda ah, wuxuuna sheegay in sidoo kale odayaashu awood u leeyihiin inay dhallinyarada ka shubaan fikradaha qaldan ee ay ku shubeen kooxaha dalka u soo safriyay afkaaraha xag jirnimada ah ku dhisan.

Gabagabadii Seminaarka odayaasha dhaqanka Muqdisho uga furmay magaalada Muqdisho waxaa kale oo ka hadlay Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow, Sheekh Muuse Cagaweyne, Ugaas Warsame Cali Suuley, Nabadoon Mahad Axmed Xaashi iyo Sheekh Axmed Maxamuud Jilacow oo dhammaantood siyaabo kala duwan uga hadlay baahida maanta loo qabo in dalka iyo dadka lagu soo dabaalo xasilooni waarta, taasi oo horseed u noqon kara in la helo dhallinyaro ka fayow maskaxda lagana dhaqay fikradaha qaldan ee lagu shubay.

Ka qeyb galayaasha seminaarka oo guruubyo loo qeybiyay lana siiyay lix kooxood oo loo qeybiyay su’aalo iyagu ka bixiyay jawaabaha sida ay iyaga la tahay isla markaasina looga bixi karo dhibaatada maanta dalka ragaadisay.

Waxay tilmaan ka bixiyeen in Hay’adda CCD oo ah Hay’adda isu keenida bulshada Soomaaliyeed ay suurageliso amaba asaasto warbaahin sida Idaacado iyo Joornaalo, sameynta Kitaabo yar yar oo dadka loogu sheegayo sida saxda ah ee aayadaha Qur’aanka amaba diinta Islaamka u dhigan tahay, oo kooxaha beenta ka sheegaya diinta ay shacabku u ogaadaan fikradaha qaldan ee lagu shubayo.

Axmed Nuur Mogdisgho BTS online

Related Items


Leave a comment