BTS: Wadamada Maraykanka Talyaniga iyo midowga yurub ayaa si wayn u cambareyey Mudo korersiga Baarlamaka

Saturday February 05, 2011 - 18:42:46
0 Comments
936
Super Admin
ka sokow Cambaaraynta ka imaanaysa muwaadiniinta somalida ee ku aaday mudo korersiga Baarlamka ayaa waxaa cambaarayno soo jeedinaya wadamada Caalamka oo ay ugu horeeyaan kuwa taageera dowlada bixiyana deeqa ay dowladu ku howl gasho.

Warkaan oo lagu qorey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Mareykanku ay u aragto waqti kordhinta ay sameysteen xubnaha baarlamaanka Somalia mid waxyeeleyn karta hanaanka nabadeynta Somalia.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in xilligaan aysan muhiim aheyn in baarlamaanku waqtiga dheereysto taasina ay wax u dhimeyso go’aanadii shirkii Jabuti ee balamaanka lagu balaariyay sanadkii 2009.

Safaaraddu waxay ku baaqday in baarlamaanku uu ka laabto go’aanka uu qaatay ee la xiriira waqti kordhintiisa waxaana uu sidoo kale u jeediyay hogaanka baarlamaanka inay arrintaasi dib u eegaan.

Dhinaca kalena wakiilka dawlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha wadanka Somalia Matt Baugh, ayaa go’aanka baarlamaanka Somalia mid aan sharci aheyn oo dastuurka dalka lidi ku ah.

“Waa nasiib xumo in xubnaha baarlamaanku waqtiga dheereystaan oo ay ka horjestaan go’aanadii ka soo baxay kulan madaxeedkii Ethiopia ay ku yeesheen madaxda ururka Midawga Africa kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in watiga dawlada uu ku egyahay bisha August ee sanadkaan” ayuu yiri wakiilka xukuumada London arrimaha Somalia u qaabilsan Matt Baugh.

Matt Baugh, waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in madaxda dawlada Somalia ka fekeraan dhibaatadda shacabka Somalia heysta mudada 20, ka sano ka badan.

Dawlada Talyaaniga ayaa iyana ka soo horjeesatay waqti kordhinta baarlamaanka Somalia waxayna hadaladaan imaanayaan xilli dhawaan xubnaha baarlamaanka Somalia ay muddo Sadex sano ah ku darsadeen waqtigooda, Qaramada Midoobay ayaa iyana sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaantay kordhinta

Xafiiska warqabadka BTS ee Nairobi

Mohamoud Abdikadir

Related Items


Leave a comment