Shariif oo ka xumaaday dibadbaxayaashii sida bareerka lagu rasaaseeyey

Thursday February 17, 2011 - 00:09:28
0 Comments
1032
Super Admin
Shariif oo ka xumaaday dibadbaxayaashii sida bareerka lagu rasaaseeyey

Muqdisho : Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkii shalay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay ku rasaaseeyeen dad shacabka ahaa ee doonayay inay ku banaanbaxaan aga gaarka Tiyaatarka iyo guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqisho.

Kadib shi jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay falkii foosha xumaa oo ay ciidamo ka tirsan dowladda KMG rasaas bareer ah kula fureen dad dhigayay banaanbax lagu taageerayay dowladda oo uu soo qab qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu tacsi u diray eheladii iyo qaraawadii ay ka geeriyoodeen dadka ay waxyeelada halkaasi kasoo gaartay, isagoo u balan qaaday Madaxweynaha in dadkii ku dhaawacmay banaanbaxaasi ay dowladda deeq caafimaad ah ay u fidindoonto.

Sidaoo kale Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu intaasi ku daray inay dadkii ka dambeeyay falkaasi ay horkeeni doonaan sharciga, wuxuuna carabka ku dhuftay inaysan u dulqaadan doonin in shacabka Soomaaliyeed loo gaysto dhibaatooyin adag.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo adayaa xili maalintii shalay ciidamo tirsan dowladda KMG ay si bareer ah rasaas ugu fureen dad dhigayay dibadbax lagu taageerayay dowladda KMG taasi oo ay ka xumaadeen qeybaha

Ali hiiraan BTS

Related Items


Leave a comment