33 Sano oo Xabsi ah oo Lagu Xukumey Somali Burcadbadeednimo Loo Haystey

Thursday February 17, 2011 - 00:14:47
0 Comments
637
Super Admin
33 Sano oo Xabsi ah oo Lagu Xukumey Somali Burcadbadeednimo Loo Haystey
Cabdiweli Muuse oo u dhashey dalka Soomaaliya ayaa maxkmad ku taala magaalada New York ku xukuntey 33 sano oo xabsi ah.

Cabdiweli Muuse waxa uu ahaa ninka keliya ee ka badbaadey dhalinyaro burcadbadeeda oo qabsadey Markabka Maersk Alabama ee laga lee yahay dalka Maraykanka, kaas oo ay qabsadeen bishii April sanadkii 2009.

Waxaa qabtey Cabdiweli ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka, waxayna dileen dhamaan saaxiibadiisi, iyaga oo qafaal u haystey Kabtankii markabka Maersk Alabama.

Maxkmadda Federaalka ee New York xaakinkeeda ayaa ku oogay Cabdiweli in uu ahaa hoggaamiye Burcadbadeed, waxaana oo kale oo lagu soo oogey qafaalasho, taas oo ka dhacdey meel u jirta xeebaha Soomaaliya 450km.

Sidoo kale dacwad oogihii Maxkmadda ayaa sheegay in Muuse ahaa ninkii u horeeyey ee Markabka soo fuula isla markaana qori AK-47 ah ku qabtey Kabtankii Markabka Maersk Alabama Mr.Richard Phillips.

Maersk Alabama ayaa sidey raashin deeq ah taas markii 4 dhalinyaro ah oo uu Cabdiweli kamid ahaa ay qabsadeen.

Kabtankii Markabka Maersk Alabama Mr.Phillips ayaa u sheegay dhamaan shaqaalihii in ay soo xirtaan qololkooda, isaguna waxa uu isu dhiibey dhalinyaradii weerarka ku soo qaadey, kuwaas oo markii danbe kula degay doonta la isku badbaadiyo taas oo ah mid yar, waxa ay halkaas ku haysteen maalmo yar, waxaana u suurta gashey Ciidamada Maraykanka ee wax shiisha in ay hal mar toogasho ku dilaan saddexdii kale, Waxaana hawgalkaas ka badbaadey Cabdiweli oo markaas la sheegay in uu ka yaryahay 18 sano, inkasta oo Maxkmaddu cuskatey in uu ka weyn yahay 18 sano.

Related Items


Leave a comment