Maxamed Dheere iyo Saraakil kale oo loo xirey Falkii lagu laayey Rayidka Banaanbaxaayay

Thursday February 17, 2011 - 14:34:24
0 Comments
953
Super Admin
Maxamed Dheere iyo Saraakil kale oo loo xirey Falkii lagu laayey Rayidka Banaanbaxaayay

Masuuliyinta Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyey falkii magaalada Muqdisho lagu laayey dad rayid ah oo banaanbax dhigaayay labo maalin kahor.

Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Wasiirka Gaashandhiga Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdishakuur Sheikh Xassan Faarax ayaa Shir Jiraa’id ay ku qabteen magaalada Muqdisho arintaas ka dhawaajiyeen.

Wasiirka Gaashandhiga ayaa akhriyey magacyada xubno caan ah oo u sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa qalabka sida ee Dawladda ay soo qabteen,waxaana ay gaarayaan shan ruux oo uu kamid yahay Gudoomiyihi hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere),Cabdi Qaybdiid (ma ahaan Gen.Cabdi Xassan Cawaale),Nuur Cali Yalaxow,Mxamed Raage Tifow iyo Cali Nuur Maxamed.

Mr.Fiqi ayaa intaas raaciyey in ay weli maqanyihin rag kale oo falkaas lug kuleh,wuxuuna tilmaamay in lagu daba joogo.

Raysalwasaare Farmaajo ayaa u mahadceliyey Ciidamada howlgalka fuliyey isagoo sheegay in aan loo dulqaadan karin falalkaan oo kale.

Falkii ka dhacay Ex-fiyoore ee degmada Xamarweyne Muqdisho waxaa ku dhintey ugu yaraan afar ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Related Items


Leave a comment