Dibadbax looga soo horjeeday xariga M-Dheere oo ka dhacay Muqdisho

Friday February 18, 2011 - 13:32:12
0 Comments
995
Super Admin
Dibadbax looga soo horjeeday xariga M-Dheere oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho: Dibadbax looga soo horjeeday xariga ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Banaanbaxaan oo ahaa mid aan balaarneyn loogana horjeeday xariga ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay u gaysteen Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa maanta waxaa uu ka dhacay qeyb ka mid ah degmada Shangaani iyo Nawaaxiga Xarunta Tiyaatarka ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa la sheegay inay soo qaban qaabiyeen dad tageersan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed Dheere oo dowladda ay ku eedeysay in isaga iyo rag kale ay Mas’uul ka ahaayeen weerarkii qasaaraha gasytay ee 3-maalin ka hor lagu laayay banaanbaxayaashii taageersanaa dowladda KMG.

Dadka dibadbaxayay oo u badnaa Haween iyo Caruur ayaa socod ku maray qeybo ka mid ah degmada Shangaani, iyagoo dalbanayay in dowladda ay dib xoryadiisa u siiso Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo iminka ku jira gacanta ciidamada AMISOM.

Inkastoo banaanbaxa maanta looga soo horjeedo xariga Max’ed Dheere uu Muqdisho ka dhacay ayaa hadana gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur (Tarsan) waxaa uu shaaca ka qaaday in shaqsiyaadka dowladda ay gacanta ku hayso ay Mas’uul ka ahaayeen weerarka lagu qaaday dadkii ku banaanbaxayay nawaaxiga guriga Hooyooyinka ee degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha dowladda KMG Somaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna weerarkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in cadaaladda la horgayn doono dadka kulugta lahaa weerarkaasi, isagoo meesha kasaaray in weerarkaasi ay gaysteen dad qaab qabiil u abaabulan.

Related Items


Leave a comment