Maxamed Dheere oo Gacmaha Ka Xiran Ayaa AMISOM ku Wareejisey DFKG

Saturday February 19, 2011 - 01:56:05
0 Comments
2384
Super Admin
Ciidamada AMISOM ayaa maanta ka soo saarey xabsi ku yaala xerada Xalane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo horjoogayaal kale oo ka tirsanaa ciidanka Dawladda Federaalka, waxaana lagu wareejiyey Ciidanka Dawladda.

Maxamed Dheere oo ay labada gacmood uga xirantahay fiilo isla markaana diif ba’an ka muuqato ayaa loo oggolaadey, sawirqaadayaashu in ay sawirtaan.

Maxamed Dheere ayaa kamid ahaan jirey hoggaamiye kooxeedyadii ugu awooda badnaa Koonfurta Soomaaliya sanadihii 2001 — 2006 isaga oo ka talin jirey Shabeelada Dhexe isla markaana halkaas ku soo dhaweeyey Dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf, waxaana uu mar noqdey Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Maxamed dheere iyo saddex nin oo kale ayaa lagu eedeeyey in ay ku luglahaayeen xasuuq loogeystey shacab mudaaharaad taageero u ahaa dawladda ka dhigaayey meel aan ka fogeyn Villa Somalia, waxaana dadkii mudaaharaadaayey ka dhintey 4 qof halka kuwo kalena ay ka dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho mudaaharaad ay dhigeen dad ay qaraabo ahaayeen Maxamed Dheere kuwaas oo dalbanaaya in la sii daayo Maxamed Dheere, waxaana soo bandhigidiisu ay noqoneysaa mid lagu liidaayo meeqaamkiisa.

Related Items


Leave a comment