Kulan logu taageeray Xisbiga Hiil Qaran oo ka dhacay Muqdisho

Monday February 28, 2011 - 12:28:02
0 Comments
695
Super Admin
Kulan logu taageeray Xisbiga Hiil Qaran oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho: Munaasabada balaaran oo lagu taageerayay Xisbiga Siyaasadeed ee Hiil Qaran oo dhawaan lagu dhisay dalka Ingiriiska ayaa maanta waxaa ay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Siyaasiyii, Dhalinyaro iyo Odayaal dhaqameedyo ayaa maanta waxaa ay ka dhacday gudaha magaalda Muqdisho taasi oo lagu soo dhawaynayay Ururka la magacbaxay Hiil Qaran oo dhawaan lagu dhisay Magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska.

Kasoo qeyb galayaasha Munaasabadaasi ayaa waxaa ay si wayn u taageereen Ururka Siyaasadeen ee Hiil Qaran hase ahaatee, waxaa ay tilmaameen kasoo qeyb galayaasha xafladaasi in loo baahanyahay in door muhiim ah oo wax kaga qaban karo siyaasadad Soomaaliya uu la yimaado Xisbigaasi.

Munaasabadaasi oo ay ka hadleen Mas’uuliyiin farabadan ayaa waxaa ka hadlay oo soo gaba gabeeyay Wakiilka Ururka Hiil Qaran ee Soomaaliya Shariif Xuseen Rooboow kaasi oo sheegay in Ururkaan dhisidiisa ay socotay Mudo labo sano ah islamarkaana waxaa uu tilmaamay inay doonayaan inay soo nooleeyaan qaranka baaba’ay sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Xuseen Rooboow ayaa waxaa uu xusay in shalay magaalada Lonodon lagaga dhawaaqay guddi u xilsaaran abaaraha ka jira Soomaaliya kaasi oo gudoomiye looga dhigay C/risaaq Xaaji Xuseen, waxaana uu tilmaamay in Xisbigaan u jeedkiisa uusan ahayn oo kaliya Siyaasadda hase ahaatee uu doonayo in uu ka qayb qaato wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

Ali Mohamed BTS


Related Items


Leave a comment