Kenya oo Walaac ka Muujisay Hanjabaadi Al-Shabaab

Tuesday March 01, 2011 - 13:09:22
0 Comments
926
Super Admin
Dawladda wadanka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujisay hanjabaad dhowaan kasoo yeertay kooxda Al-Shabaab ee ku aadan in ay weeraro ka geysan doonaan gudaha dalkaas iyadoo ay ku eedeyeen in ay ka qayb qaadatay dagaaladii ka dhacay degmada Beledxaawo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Kenya Mathew Itere oo la hadlaayay saxaafada dalkaas ayaa sheegay in aysan dhayalsan doonin hanjabadaas iyo digniinta kasoo yeertay Al-Shabaab isla markaana feejignaan geli doonaan.

Wuxuu Taliyaha ugu baaqay shacabka reer Kenya in ay soo sheegaan oo Booliska kusoo wargeliyaan wax kasta oo ay ka shakiyaan oo dhinaca amni darrada ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa axadii hanjabaad culus u dirtay Dawladda Kenya,waxaana ay ku eedeysay in ay taageero siisay Ciidamada Dawladda ee weerarka kusoo qaaday degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Abiwali Mohamed Yusuf BTS

Related Items


Leave a comment