Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ku dhacday Wardhiiglay

Tuesday March 15, 2011 - 19:52:00
0 Comments
1968
Super Admin
Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ku dhacday Wardhiiglay

Muqdisho: Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawaca dad rayid ah ayaa maanta waxaa ay ku dhacday xaruntii Ex Fiyoora, agagaarka National Tiyaatar iyo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaani oo la sheegay in ay gaarayeen ilaa 8 madfac ayaa maanta waxaa ay ku dhacday agagaarka xarunta Murtida iyo Madadaalada qaranka iyo Ex Fiyoora degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana madaafiicdaasi ay ku dhintay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Madfac ka mid ah madaafiicdaasi oo ku dhacay gudaha xarunta Ex Fiyaara ayaa waxaa ku dhintay Haweenay Xaamilo aheyd oo dhawaan ka timid dalka dibadiisa islamarkaana lagu magacaabayay Muna taasi oo la tilmaamay in ay walaalo ahaayeen fanaanada Faadumo Shax Shaaxley sidaBTSwarka ku helaysoFanaanada weyn ee Shamso Daadsan.

Sidoo kale dhowr qof oo kale ayaa ku dhimatay sida la sheegay madaafiic ku dhacday Xarunta National Tiyaar, inkastoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn tira koobka rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay madaafiicda lagu garaacay agagaarka Ex Fiyoora iyo Xarunta Murtida iyo Madadaalada Qaranka.

Madaafiicdaasi kadib ayaa dhowr Madfac oo la sheegay in ay jawaab u aheeyd Madaafiicdii lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada waxaa ay ku dhaceen qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa bakaaraha iyadoo halkaasi ay ku dhinteen 16 qof tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Inta badan madaafiicda Al Shabaab, Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay isku weydaarsadaan Magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada iyo waxyeelada ugu culus waxaa ay ka soo gaartaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo madaafiicdu ay qaarkood guryahooda ugu tagto, iyadoo aysan jirin cid wax iska weydiisa qasaaraha dadka rayidka ah.

BTS

Related Items


Leave a comment