Warbaahinta ayaaka faaloonaysay,qisadau dhaxaysalabada Fanaan ee Falis Abdi iyoIkraan Caraale oo Dhalinyaradau aad u jecelyihiin heesahooda waqtigan, Dadka qaar ayaa sheekadan oo kale ku Qisadii soo dhexmartay Fanaaniintii Soomaaliyeed ee Axmed CaliCigaal, Khadro Daahir Cige iyo Maryan MursalCiise.
Bal marka aad dhexgasheSheekada labadaFanaan ayaa wax badan ka ogaandoontaa.
Fanaanada Caanka ah ee Falis Abdi Maxamuud oo ka mid ah Kooxda weyn ee Waayaha Cusub ee xaruntoodu tahay Dalka Kenya ayaa soo qaaday hees u muuqata inay jawaab kulul ku siineyso Fanaanada Da’yar ee Ikraam Caraale oo horey u qaaday hees ay ugu magacdartay “GAARSIIYA” taasi oo ay u qaaday Wiil ay jecleyd oo ay ka weyday la qabashada arimaha jaceylkeeda. Dad badan ayaa hadana is weydiiyey. Waa kuma wiilka ay sidaasi u jeceshay Fanaanada Ikraam Caraale.
Somalida waa dad heli og jawaabta wixii markaasi soo baxee,waxaa ay durba la soo boodeen waa Hees sarbeeb ah oo ay ugu direyso Fanaanka ama Abwaanka kooxda Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo la sheegay inuu mudo xirir jaceyl la lahaa Ikraam Caraale. Laakiin markii danbe uga baxay oo aan sidii balantu aheyd kasoo bixin.
Hadaba maxay tahay sababta uu arintaasi uga soo bixi waayey? Yaa u diiday inuu kasoo bixi waayo? Haddii uu Ikraam Caraale jaceylkeeda uu ka baxay,xagee ayuu jaceylkiisa u sii jeediyey?? waxaasi oo su’aalo ah waa kuwa aad ka dhex heli doontaan,haddii aad si fiican u dhuuxdaan heesaha la isku soo mariyey Hawada oo ay kala qaadayaan Fanaaniinta kala Ikraam Caraale iyo Falis Abdi Maxamuud oo ah udub dhexaadka kooxda Waayaha cusub iminka loolan jaceyl uu kala dhexeeyo Ikraam oo u gacan haatineysa Shiine Akhyaar mar kale.
Heesta Ikraam oo ah mid si weyn looga dhex heli karo erayo jaceyl iyo xiiso ay wali u heyso Shiine Akhyaar ayaa waxay soo jiidatay dareenka dad badan,waxaana durba loo qaatay in fanaanada ay dardar xoogan fanka kusoo gashay. Waase ka duwan tahay sida ay dadka u fakarayeen, oo Ikraam waxaa iyadana ay ka aheyd sidii ay usoo bandhi laheyd jaceylkeeda. Midna la soco akhristow in Ikraam fanka aysan ku jiri-jirin ka hor heestan,waxaana dadka la socday taariikhdeeda iyo mida Shiine akhyaar sheegaan inay caro ay ka qaaday,kadib markii uu shiine guursaday Fanaanada ay isku kooxda yihiin ee Falis Abdi Maxamuud,taasi oo ku keentay inay bal tusto awooda ay u leedahay fanka.
Bal dib igula milicsada heestii “GAARSIIYA” oo ay ikraam qaadeyso:- Hadaba Erayada Heestan Cusub ee “GAARSIIYA” aan idin soo gudbiyo:-
Ma ogtahay sidiibaan Geesigaan jeclaan
Inuu Guule igu simo gacmo kor u hayaa.
Ma ogtahay sibaan goor iyo Ayaan Guriga uu ku nool yahay Naftu gacan salaamaaye.
Bal inuu garwaqsado
Sidii Caashaq ii galay Gasiinkiina iga jaray
Uga go’ay Hurdadaa.
Ha gudoonsadee,Geesigaan Jeclaa Gaarsiiya Idinkuna .
Qeybta Labaad:––––-
Ma ogtahay Sidiibaan Gacalkaan jeclaa.
Ruclo Oradka ,Raacdada aan u Goobayaa
Ma ogtahay Sidbaan Gurxan iyo Guhaad
Sidii Aar gantaal qaba aan u goohayaa.
Bal inuu Garwaaqsado Sidii Caashaq ii galay
Gasiinkiina iga Jaray Uga go’ay Hudada.
Ha gudoonsadee Geesigii aan Jeclaa Gaarsiiya idinkuna.
Ikraam ayaa mar ay ka jawaabeysay Su’aalo lagu wareydiinayey barnaamijka Ciidaha ee Universal,waxay si sahal ah usoo dhufatay inay u qaado Heesta Gaarsiiya,waxaana ay sii daba dhigtay inay heestaasi tahay mid xambaarsan Jaceyl iyada saameyn ku leh. Taasi ayaana akhristow ku sheegaysa inay Ikraam jaceyl xoogan u qabtay Abwaan Shiine Akhyaar. Bal ila daawo Wareysiga ay ku sheegeyso Ikraam inay heestan u qaaday jaceyl iyada hayey :– Xiliga ay heestaasi soo baxeysay Fanaanada Falis Abdi Maxamuud waxay aheyd Xaamilo,mana aysan kasoo jawaabi karin heesaha ay sida leebkii oo kale usoo tuureysay Ikraam Caraale, Dad u dhawaa falis Xiligaasi ayaa sheegayey inay dhowr jeer damacday inay jawaab ka bixiyo,waliba iyadoo uur leh,taasi oo muujineysa inay liqi weysay suugaanta ninkeeda loogu duur-xulayo arimaha jaceylka Ikraam.
Waxaase arintaasi ka hor istaagay Abwaan Shiine Akhyaar oo markaasi u arkay inaysan habooneyn ,maadaama xaaskiisa xaamilo tahay. Waxaana uu ka balan qaaday inuu ku garabsiin doono jawaab ay ka bixiyo heesta Ikraam marka ay dhasho, sidasi oo ay tahayna shiine marna kuma qanacsaneyn in loo jawaabo Ikraam,sababtoo ah isaga ayaa bari xirir jaceyl la lahaa,waxaana uu taasi badelkeeda ka jeclaa in sheekada halkaasi lagu xiro.
Fanaanada Falis Abdi ayaa iyada arintaasi galafka ku dhufatay,waxaana markii ay kasoo baxday umusha ay bilowday inay duubto Album u badan Jaceyl iyo hees ay ugu jawaabeyso Ikraam Caraale.ma rabo in aan ka hadlo albumkaasi cusub,laakiin waxaan idin kasoo qabanayaa heesta aan Maqaalkan darteed u qorey.waana Heesta ay u bixisay “GARAADLAAY” Taasi oo uu alifay Wariye Caan ah isla markaana suugaanta baryahan xoog badan ku dhex lahaa oo hal-abuurkiisa la holin waayey. Waa Liiban Abdi Warsame.halka laxanka uu saaray Fanaan ka mid ahaa fanaaniintii hore oo lagu magacaabo Cali Shaacir. Heesta erayada ku jiro,waxaa muuqata inay sarbeeb ka fogtahay,waxaa sidoo kale muuqata inay daaha ka qaaday daboolkii saarnaa heestii ay horey u qaaday Ikraam Caraale,waxaana sida aad ka dhex fahmi karto erayada aad arki doontaa inay markan bilaabatay sheekadii lagu yaqaanay fanaaniintii hore oo sidan oo kale jaceyl u wada qaadi jiray Hal Abwaan ama Hal Fanaan,sida Fanaanka Ahmed Cali Cigaal oo ay wada jeclaayeen gabadho aan ka xusi karo Maryan Mursal iyo Qadro Dahir Cige. Kuwaasi oo heesha jaceylka isugu qaadi jirey hadba waxa ay kala aaminsan yihiin.
Dhinaca kale Fanaanada Falis ayaa muuqaalka heesta waxa ay u duubtay si ay ku muujineyso libinta ay ku fadhido,waxaana ay Shiine Akhyaar ku qasabtay inuu la jilo,taasi oo hadana loo fasiri karo inay tahay jawaab cad.
Waxaana marka aad indho aqoon u leh arimaha jaceylka ku fiiriso ka fahmeysaa inuu Shiine heesta ka xun yahay jilisteeda,laakiin uu qancinayey Xaaskiisa Falis,Halka Falis ay ka tahay inay Ikraam u muujiso inay gacanta ku heyso ninka ay Heesaha Hawada usoo marineyso,iyaddoo waliba ku leh waxaan nahay Qoys dhisan,marka waxba naga heli meyside yeysan godob kugu noqon heesaha aad inoo soo qaadeyso .
Shiine Akhyaar ayaa isaga markan waxa uu ciyaaray farsamo uu rabay inuu uga Dabaasho Suugaanta ay isku dirayaan labadan gabdhood ee fanka ka dhexmuuqda,waxaana xitaa uu ka gaabsaday inuu alifo heesta jawaabta ah oo ay Falis rabtay inay u dirto Ikram,waxaana taasi badelkeeda sameeyey Wariyaha Caanka ah ee Liiban Abdi Warsame. Shiine Akhyaar si kasta oo uu sameeyase arintii ma uusan qaboojin,waxaana ay noqotay mid cirka isku sii shareerta markii ay heestan soo baxday.
Bal ila daawada Heesta GARAADLAAY iyo Codkii Falis Abdi Maxamuud iyo Jilistii Shiine AKhyaar:- Erayada ku jira haddii aadan fahmin,bal dib u akhriso,waxaana ugu talagalay in aad ila dhuuxdaan dulucda heesaha la isku dirayo. Falis,waxay ku leedahay Heesteedan,
Waxaan rabaa in aan dabaalka ka qaado arimo badan oo qarsoon. Ha iga degdegin. Ha ka tagin qoraalkan adiga oo aan dhameysan. iskuday cadeymaha aan ku tusayo in aad si fiican u daawato una akhrisato. noqo qof fahmaya eryada iyo heesaha aan kusoo gudbinayo. Hadaba diyaar ma tahay aan bilaabee sheekada? haddii jawaabtu tahay Haaa, bal anigana iga qabo sheekadii Ikraam Caraale iyo Falis iyo Heesaha la is dhaafsaday.
Fanaanada Caanka ah ee Falis Abdi Maxamuud oo ka mid ah Kooxda weyn ee Waayaha Cusub ee xaruntoodu tahay Dalka Kenya ayaa soo qaaday hees u muuqata inay jawaab kulul ku siineyso Fanaanada Da’yar ee Ikraam Caraale oo horey u qaaday hees ay ugu magacdartay “GAARSIIYA” taasi oo ay u qaaday Wiil ay jecleyd oo ay ka weyday la qabashada arimaha jaceylkeeda.
Dad badan ayaa hadana is weydiiyey. Waa kuma wiilka ay sidaasi u jeceshay Fanaanada Ikraam Caraale. Somalida waa dad heli og jawaabta wixii markaasi soo baxee,waxaa ay durba la soo boodeen waa Hees sarbeeb ah oo ay ugu direyso Fanaanka ama Abwaanka kooxda Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo la sheegay inuu mudo xirir jaceyl la lahaa Ikraam Caraale. Laakiin markii danbe uga baxay oo aan sidii balantu aheyd kasoo bixin.
Hadaba maxay tahay sababta uu arintaasi uga soo bixi waayey? Yaa u diiday inuu kasoo bixi waayo? Haddii uu Ikraam Caraale jaceylkeeda uu ka baxay,xagee ayuu jaceylkiisa u sii jeediyey?? waxaasi oo su’aalo ah waa kuwa aad ka dhex heli doontaan,haddii aad si fiican u dhuuxdaan heesaha la isku soo mariyey Hawada oo ay kala qaadayaan Fanaaniinta kala Ikraam Caraale iyo Falis Abdi Maxamuud oo ah udub dhexaadka kooxda Waayaha cusub iminka loolan jaceyl uu kala dhexeeyo Ikraam oo u gacan haatineysa Shiine Akhyaar mar kale.
Heesta Ikraam oo ah mid si weyn looga dhex heli karo erayo jaceyl iyo xiiso ay wali u heyso Shiine Akhyaar ayaa waxay soo jiidatay dareenka dad badan,waxaana durba loo qaatay in fanaanada ay dardar xoogan fanka kusoo gashay. Waase ka duwan tahay sida ay dadka u fakarayeen, oo Ikraam waxaa iyadana ay ka aheyd sidii ay usoo bandhi laheyd jaceylkeeda. Midna la soco akhristow in Ikraam fanka aysan ku jiri-jirin ka hor heestan,waxaana dadka la socday taariikhdeeda iyo mida Shiine akhyaar sheegaan inay caro ay ka qaaday,kadib markii uu shiine guursaday Fanaanada ay isku kooxda yihiin ee Falis Abdi Maxamuud,taasi oo ku keentay inay bal tusto awooda ay u leedahay fanka.
Bal dib igula milicsada heestii “GAARSIIYA” oo ay ikraam qaadeyso:-
Hadaba Erayada Heestan Cusub ee “GAARSIIYA” aan idin soo gudbiyo:-
Ma ogtahay sidiibaan Geesigaan jeclaan
Inuu Guule igu simo gacmo kor u hayaa.
Ma ogtahay sibaan goor iyo Ayaan
Guriga uu ku nool yahay Naftu gacan salaamaaye.
Bal inuu garwaqsado
Sidii Caashaq ii galay
Gasiinkiina iga jaray
Uga go’ay Hurdadaa.
Ha gudoonsadee,Geesigaan Jeclaa
Gaarsiiya Idinkuna .
Qeybta Labaad:––––-
Ma ogtahay Sidiibaan Gacalkaan jeclaa.
Ruclo Oradka ,Raacdada aan u Goobayaa
Ma ogtahay Sidbaan Gurxan iyo Guhaad
Sidii Aar gantaal qaba aan u goohayaa.
Bal inuu Garwaaqsado
Sidii Caashaq ii galay
Gasiinkiina iga Jaray
Uga go’ay Hudada.
Ha gudoonsadee Geesigii aan Jeclaa
Gaarsiiya idinkuna.
Ikraam ayaa mar ay ka jawaabeysay Su’aalo lagu wareydiinayey barnaamijka Ciidaha ee Universal,waxay si sahal ah usoo dhufatay inay u qaado Heesta Gaarsiiya,waxaana ay sii daba dhigtay inay heestaasi tahay mid xambaarsan Jaceyl iyada saameyn ku leh. Taasi ayaana akhristow ku sheegaysa inay Ikraam jaceyl xoogan u qabtay Abwaan Shiine Akhyaar.
Bal ila daawo Wareysiga ay ku sheegeyso Ikraam inay heestan u qaaday jaceyl iyada hayey :–
DAAWO WARAYSIGA IKRAAN CARAALE
Xiliga ay heestaasi soo baxeysay Fanaanada Falis Abdi Maxamuud waxay aheyd Xaamilo,mana aysan kasoo jawaabi karin heesaha ay sida leebkii oo kale usoo tuureysay Ikraam Caraale, Dad u dhawaa falis Xiligaasi ayaa sheegayey inay dhowr jeer damacday inay jawaab ka bixiyo,waliba iyadoo uur leh,taasi oo muujineysa inay liqi weysay suugaanta ninkeeda loogu duur-xulayo arimaha jaceylka Ikraam.
Waxaase arintaasi ka hor istaagay Abwaan Shiine Akhyaar oo markaasi u arkay inaysan habooneyn ,maadaama xaaskiisa xaamilo tahay. Waxaana uu ka balan qaaday inuu ku garabsiin doono jawaab ay ka bixiyo heesta Ikraam marka ay dhasho, sidasi oo ay tahayna shiine marna kuma qanacsaneyn in loo jawaabo Ikraam,sababtoo ah isaga ayaa bari xirir jaceyl la lahaa,waxaana uu taasi badelkeeda ka jeclaa in sheekada halkaasi lagu xiro.
Fanaanada Falis Abdi ayaa iyada arintaasi galafka ku dhufatay,waxaana markii ay kasoo baxday umusha ay bilowday inay duubto Album u badan Jaceyl iyo hees ay ugu jawaabeyso Ikraam Caraale.ma rabo in aan ka hadlo albumkaasi cusub,laakiin waxaan idin kasoo qabanayaa heesta aan Maqaalkan darteed u qorey.waana Heesta ay u bixisay “GARAADLAAY” Taasi oo uu alifay Wariye Caan ah isla markaana suugaanta baryahan xoog badan ku dhex lahaa oo hal-abuurkiisa la holin waayey. Waa Liiban Abdi Warsame.halka laxanka uu saaray Fanaan ka mid ahaa fanaaniintii hore oo lagu magacaabo Cali Shaacir.
Heesta erayada ku jiro,waxaa muuqata inay sarbeeb ka fogtahay,waxaa sidoo kale muuqata inay daaha ka qaaday daboolkii saarnaa heestii ay horey u qaaday Ikraam Caraale,waxaana sida aad ka dhex fahmi karto erayada aad arki doontaa inay markan bilaabatay sheekadii lagu yaqaanay fanaaniintii hore oo sidan oo kale jaceyl u wada qaadi jiray Hal Abwaan ama Hal Fanaan,sida Fanaanka Ahmed Cali Cigaal oo ay wada jeclaayeen gabadho aan ka xusi karo Maryan Mursal iyo Qadro Dahir Cige. Kuwaasi oo heesha jaceylka isugu qaadi jirey hadba waxa ay kala aaminsan yihiin.
Dhinaca kale Fanaanada Falis ayaa muuqaalka heesta waxa ay u duubtay si ay ku muujineyso libinta ay ku fadhido,waxaana ay Shiine Akhyaar ku qasabtay inuu la jilo,taasi oo hadana loo fasiri karo inay tahay jawaab cad. Waxaana marka aad indho aqoon u leh arimaha jaceylka ku fiiriso ka fahmeysaa inuu Shiine heesta ka xun yahay jilisteeda,laakiin uu qancinayey Xaaskiisa Falis,Halka Falis ay ka tahay inay Ikraam u muujiso inay gacanta ku heyso ninka ay Heesaha Hawada usoo marineyso,iyaddoo waliba ku leh waxaan nahay Qoys dhisan,marka waxba naga heli meyside yeysan godob kugu noqon heesaha aad inoo soo qaadeyso .
Shiine Akhyaar ayaa isaga markan waxa uu ciyaaray farsamo uu rabay inuu uga Dabaasho Suugaanta ay isku dirayaan labadan gabdhood ee fanka ka dhexmuuqda,waxaana xitaa uu ka gaabsaday inuu alifo heesta jawaabta ah oo ay Falis rabtay inay u dirto Ikram,waxaana taasi badelkeeda sameeyey Wariyaha Caanka ah ee Liiban Abdi Warsame. Shiine Akhyaar si kasta oo uu sameeyase arintii ma uusan qaboojin,waxaana ay noqotay mid cirka isku sii shareerta markii ay heestan soo baxday.
Bal ila daawada Heesta GARAADLAAY iyo Codkii Falis Abdi Maxamuud iyo Jilistii Shiine AKhyaar:-
Erayada ku jira haddii aadan fahmin,bal dib u akhriso,waxaana ugu talagalay in aad ila dhuuxdaan dulucda heesaha la isku dirayo.
Falis,waxay ku leedahay Heesteedan,
Ma ogtahay Garaaadlaay, Geed miro ku yaalaa
Intuu baxay gun iyo baar, Gurashada diyaar u ah.
Mar hadaadan gaareen,Geeraar raqiisiyo
Rucla oradka raacdada ,waxba kuuma goysee.
Gucashada adoon badin,in aad dowga garataa
Armey kula gudboon tahay.
Gacal kaa daldoorsaday, guubaabo iyo Hees
Midna laguma gaaree,inta goori goortahay
daydayo Gayaankaa .
Guushiyo Ayaankuba ,Galad eebo weeyoo
Hadaan guulo ku qorin,si xun laguma goobee.
inta laba gayaan ah,guri yeeshay oo laday.
Kala goo,isleedahay guuleysan meyside
Guryo noqoshadoodiyo,Gacan dhaafka reeraha
Godob yaaney kugu noqon.
Gacal kaa daldoorsaday, guubaabo iyo Hees
Midna laguma gaaree,inta goori goortahay
daydayo Gayaankaa .
Maxay isaga dhaw yihiin Labada Heesood???
Fanaanintan labadaba waxay muuqalka u sameeyeen si cajiib ah. Marka ay jilayeen mid waliba waxay soo xiratay mararka qaar “OOKIYAALE” Madow ah. Waxaa ay fanaanada mid waliba ka codsatay inay heesta loogu sameeyo Erayga ” G” kaasi oo ay midba midka kale ugu jawaabeyso. Waxay ku qaadeen codad macaan oo aan midna midka kale ka dhicin, Waxay sidoo kale ku muujiyeen Dareen jaceyl oo midkasta dhankisa ugu hayo Shiine Akhyaar.
Waxay Falis iyo Kooxda Waayaha Cusub,waxay socdaal Faneed ku tageen Puntland iyo Jabuuti sanadkii 2009,Waxayna halkasi kusoo bandhigeen heeso badan. waxaa xiligaasi la xasuustaa wacdaro ay muujisay Fanaanada Falis oo ay aad u jecel yihiin reer Puntland iyo dhalinyrada Somaliyeed oo dhan.
Laakiin Ikraan Caraale ayaa iyadana tiri waa in aan cagta soo mariyayaa deegaanada Puntland iyo Jabuuti oo ay tagtay dhamaadkii sanadkii 2010 oo ilaa iyo hada ayey ku maqan tahay. Waxaa iyada oo fanka wax yar ku jirta si weyn loogu soo dhaweyey Magaalada Boosaaso,waxaa socdaalkaasi ku wehliyey Wariye Bushaaro Cali Baando,si taasi ka xoog badan ayaa loogu soo dhaweeyey Hargeyso oo aysan Falis Abdi walikeed tagin,waxaana muuqata inay socdaalkasi qeyb ka tahay tartanka iyada iyo Falis ka dhexeeyo.
Falis hada waxay Shiine Akhyaar u heysaa Gabar,waxaana gabadhaasi loo bixiyey Siraad,waxaana ay wada degan yihiin Xaafad la yiraadho WESTLAND oo ka mid ah xaafadaha ugu qaalisan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Waxaa ay inta badan isla soo saaraan Albumno ay ku jiraan dhiirigelinta bulshada Somaliyeed,Laakiin Albumkooda sanadkan 2011 waxaa ka buuxo heeso u badan jaceyl oo ay wada qaadeyso Falis,taasi oo tilmaan u ah inay kula tartanto Fanaanada Ikraam Caraale.
Somalida hada joogta waxaa ku yar inay fahmaan heesaha sarbeebta ah oo ay isku dirayaan fanaaniinta xiligan. Waxay u dhageystaan oo kaliya codka fanaanka iyo musiga saaran. dhinaca kalana fanaaniinta somaliyeed ayaa ku yar kuwa sidan oo kale isugu jawaaba.
Heesaha noocan oo kale,waxaa ay ka mid yihiin kuwa kor u qaadaya fanka Somalida,waxaana haddii ay sii socdaan la gaari doonaa in fankeena uu kusoo noqdo sidii lagu yaqaanay xiligii dowladii dhexe ee Somalia. Waxaa iyana baratami doona Abwaanada oo midba midnka kale kula tartami doono inuu fanaanada iyo Fanaanka u sameeyo jawaabta uu markaasi rabo inuu bixiyo. Dadkana waxay u noqon doontaa mid xiiso ku beerta,maadaama ay jecel yihiin fanka ku sameysan tartanka.
Waxaan idin balan qaadayaa hada kadib wixii warbixino arimahan oo kale ku saabsan,in aan soo qoro una soo bandhigo dadweynaha Somaliyeed,kuwaasi oo lagu wareeriyey oo kaliya wararka Dagaalka iyo Heesaha Copy-ga iska ah oo ay qaadanan fanaaninta hada soo baxday,isla markaana aan bulshada tuso inuu jiro waji kale oo uu leeyahay fanka Somaliya.
Bts
Comments
Leave a comment