Reer Galbeedka oo ka dhawaajiyey hubeynta mucaarika Liibiya

Wednesday March 30, 2011 - 02:15:06
0 Comments
1010
Super Admin
Waxaa maanta kulan balaaran isugu yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska wafuud ka socota in ka badan 40 wadan kuwaasi oo kawada xaajooday xaalada ka taagan dalka Liibiya.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen wadamada reer Galbeedka, Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta, ururka Islaamka iyo Midowga Afrika, ayaa lagu soo qaaday sidii isbedal loogu keeni lahaa dalka Liibiya marxalada hada ka taagan.

Kulankan ayey sidoo kale kasoo qeyb galeen xubno ka socda Mucaaridka dalka Liibiya ee fadhigooda yahay magaalada Bangazi, xubnaha kooxdaasi ka socday ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibada ee wadamada reer Galbeedka ee madashaasi ku sugnaa.

Qodobada kasoo baxay shirkii maanta ayaa waxaa ugu muhiimsanaa dhismaha Guddi Caalami ah oo la sheegay inay hagi doonaan dadaalka ku aadan isbedalka dalkaasi Liibiya, guddigan ayaa waxaa Guddoon looga dhigay wadanka Qatar oo kamid ah 7 wadan oo carab ah oo kasoo qeyb galay shirka London.

Inkastoo ay wadamada Carabta qaarkood ay yimaadeen shirkan London, waxaase madasha ka maqnaa wadamo muhiim ah oo carbeed sida Sucuudiga, Masar iyo Sudan, waxaa sidoo kale shirkaan kasoo qeyb gelin wadamada waa weyn ee Afrika, inkastoo uu ku sugnaa shirka wafdi ka socda Midowga Afrika.

Waxaa weli muuqata inaysan jirin xal cad oo ay wadamadan Beesha Caalamka u hayaan dalka Liibiya, xili ay sii socdaan weerarada duqeynta ah ee lagu hayo ciidamada Qadaafi, halka ay kooxaha mucaaridka aysan ku guuleysan inay wax guulo ah ka gaaraan dhanka dhulka.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Ingiriiska Mr.Hague oo wax laga weydiiyey xalka loo hayo dalka Liibiya, ayaan meesha ka saarin in Col.Qadaafi loo soo bandhigo inuu u guuro dal kale, balse wuxuu sheegay in dalka ingiriiska uusan isku mashquulin doonin inay dhankaas ka caawiyaan Col.Qadaafi.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Faransiiska, Mr.Alain Juppe,ayaa asagu ka dhawaajiyey in dalalka Reer Galbeedka ay hada diyaar u yihiin inay ka wada tashadaan sidii loo hubeyn lahaa ciidamada kasoo horjeeda Col.Qadaafi, si ay xukunka uga tuuraan, maadaama duqeyntii cirka aysan hada noqon mid meesha ka saarta awoodii uu Col.Qadaffi dhanka dhulka uu ku lahaa.

Wadanka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda sidoo kale ka fekerayaa fursadaha lagu hubeyn karo kooxaha mucaaridka ee dalkaasi Liibiya.

Hase yeeshee hubeynta mucaaridka Liibiya ayaa ah mid si toos ah uga horimaaneysa cunaqabateyntii Qaramada Midoobay ay saartay dalka Liibiya iyo go’ aankii Golaha Amaanka ee lagu xalaaleeyey hawlgalada ay ciidamada NATO kula wareegeen hawada dalkaasi Liibiya.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in hubeynta mucaaridka ay horseed u noqoto dagaal sokeeye oo dalkaasi Liibiya ka qaraxa, xili Col.Qadaafi uu dhankiisana hubeeyey qabaa’ ilka asaga taageersan.

Arrintan ayaa keentay in kooxda mucaaridka ay maanta jab weyn kala kulmeen weerarkii ay ku qaadeen magaalada Sirte, halkaasi oo lagu soo jabiyey, isla markaana dib looga qabsaday magaalada Bin Jawad oo kamid ah goobihii ay shalay qabsadeen kooxda Bengazi, waxaa sidoo kale la sheegay in taageerayaasha Col.Qadaafi ay qarka u saaran yihiin magaalada Ras Lanuf oo ayadu xigta dhanka Bengazi.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment