Banaanbax roob doon ah oo ka dhacay degmada Burtinle (SAWIRO)

Wednesday March 30, 2011 - 16:15:37
0 Comments
1943
Super Admin
Banaanbax roob doon ah oo ka dhacay degmada Burtinle,

Burtinle:-Dadweynaha iyo culumaa’udiinka degmada Burtinle ayaa magaladaasi ka sameeyay dibad bax roob doon ah kaasoo ay rabi uga baryayeen inuu roob siiyo.

Gudoomiyaha degmada Burtinle Axmed Khaliif Faarax iyo Ku xegenka Ali Gelle culumaa’udiin ayaa goob joog ka ahaa isu soo baxa dadka reer Burtinle waxayna meel fagaare ah ku oogeen salaada roob doonka loo yaqaan.

guud ahaan dadkii isu soo baxa roob doonka ka qeybqaadanayay ayaa Alle ka baryay iyagoo gacmaha kor u taagayay sida sawirada aad ka rikeysaan in Alle roob siiyo guud ahaan dhulka soomaalida ee abaarta iyo biyo la’aantui ka taagan tahay .

tan iyo bilowgii sanadkii tagay waxaa guud ahaan soomaaliya ka taagnaa abaarto balaaran oo dad iyo duunyo saameeyay magaalada burtinle ee Gobolka Nugaal waxuu ka mid yahay meelaha ay abaarahaasi saameynyta ku yeesheen.

Mursal max’ud osman

catoosh170@hotmail.com

Related Items


Leave a comment