Burtinle: Ceelkii ku Yaalay Degmada Burtinle oo dib u habayn lagu sameeyey.

Thursday March 31, 2011 - 10:04:05
0 Comments
1247
Super Admin
Hay’adda Tadamun oo dayactir kusameysey ceel kuyaala degmada Burtinle,

Burtinle:-Hay’adda wadaniga ah ee taduman ayaa dayac tir kusameysay ceel riig ah oo ku yaala degmada burtinle ee gobolka nugaal.

Ceelka oo dad iyo duunyo badan soo kor fuuuleen si ay biyo uga helaan ayaa biyo yareeray iyadoo bankiii ceelkuna awoodiisii yaraatey beebabkii biyaha soo tuurayayna ay dilaaceen taasi oo ay qeylo dhaan iyo walaac ku heysey dadka deegaanka burtinle.

Hay’adda wadanagi ah ee tadamun oo kaashanaysa dadka degmada ayaa ceelka saartey ban cusub iyadoo beebabkiina kabadashey waxey kaloo dhistey darar xooluhu kacabaan iyo dayactir guud oo lagu sameeyay ceelka.

Xaflad balaaran oo ceelka dib loogu furayey ayaa shaley kadhacdey
guriga nabada ee degmada burtinle Gudoomiyaha degmada Axmed Khaliif faarax oo ugu horeyn kahadley halkaas ayaa u mahad celiyey hay’adda tadamun,waxaana halkaas kahadley gudoomiye kuxigeenka hay’adda tadamun C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan wuxuuna dadka burtinle uga mahad celiyey siday ula shaqeeyaan iyo gacanta ay ka geysteenba.

waxuu kaloo sheegay in hay’adda wadaniga ah ee tadamun ay meelo badan oo puntlnad ah ay biyo dhaamis kawado mar walbana garab taagan yihiin dadka deegaanka waxii karaankooda ah waxaa kaloo xaflada isna ka hadlay Nabadoon Xasan guure ayaa u mahad celiyey hay’adda tadamun sidii ay ugusoo gurmatey dadka deegaanka xiligaan adag oo biyo la’aantu saameysa dadka oo dhan.

Ugu danbeyn waxaa halkaas kahadley Max’ed yuusuf jaamac oo ahaa
xiriiriyaha hay’adda tadamun iyo dadka deegaanka mahad celin kadibnahay’adda kacodsadey iney wax kala qabto arimaha bulshada deegaanka sida dhameystirka howlaha isbitaalka degmada

Ceelkaan ladayactiray ayaa wax weyn katari doona dadka deegaanka oo tacbaan la’ah biyo la’aanta oo saameysa dadka iyo duunyada deegaanka burtinle iyadoo xoolo dhaqato badani kusoo dhawaanayaan dhanka magaalada.

Wixii war ah oo danbe dib ban idin kaga soo sheegaynaa oo Deegaanka ku soo Kordha.

Mursal Mohamud Cismaan

Burtinle

Related Items


Leave a comment