Ciyaaryahan hore Cabdulqaadir Xuseen Xasan ''Carabey oo lagu soo dhaweeyay magaalada London–.(Sawiro)

Sunday April 03, 2011 - 03:16:39
0 Comments
1494
Super Admin
Ciyaaryahan hore Cabdulqaadir Xuseen Xasan ''Carabey oo lagu soo dhaweeyay magaalada London–

Waxaa magaalada London galbeedka lagu qabtey xaflad lagu soo dhaweynayay ciyaaryahan hore Cabdulqaadir Xuseen Xasan oo ku magac dheer Carabey oo degan magaalada Dubai, kaasoo todobaadkii tagey soo gaarey magaalada London, mudane Carabey wuxuu ka soo mid ahaan jirey ciyaartooydii barisamaadkii kooxda Waxool iyo Sancadda.
Xafladatan ay soo qabanqaabiyeen Somali Week UK, kuwaasoo isheegay sababta ay usoo dhaweynayaan ay ugu weyn tahey sidii kooxda London ugu soo dhaweyeen magaalada Dubai sanadkii tagey, kuwaasoo ciyaaro saaxiibtinimo kula soo yeeshay Soomaalida degan dalkaas.Xaflada ayaa waxaa ka soo qayb galey dad isboortiga Soomaaliyeed si weyn looga yaqaan iyo dhalinyarada isboortiga magaalada London, kuwasoo isugu jirey rag iyo dumar.
W/D:Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.comLondon.

Related Items


Leave a comment