Gud. Maxkamadda Sare oo Muqdisho lagu dhaariyay

Monday April 04, 2011 - 09:04:48
0 Comments
994
Super Admin
Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay Xafalad balaaran oo lagu dhaarinayay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare Jeneral Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf .

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaare Maxamed C/laahi Maxamed (Formaajo) iyo xubno kale.

Waxaa halkaasi laga akhriyay dikareeto uu soo saaray madaxweynaha, laguna magacaabay Jeneral Ceydiid Cabdullaahi (IlkaXanaf) in uu noqdo gudoomiyaha maxkamadda sare.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa waxaa dhaariyay wasiirka cadaaladda, garsoorka iyo arriimaha diinta, halka uu dikareetadana akhriyay Mursal Maxamed Saneey.

Maalinkii shalay ayay aheyd markii kulan ay yeesheen golaha wasiirada ay isku raaceen in gudoomiyaha maxkamadda sare laga dhigo Jeneral Ceydiid Cabdullaahi Xanaf.


Wixii war ah oo ka soo Kordha kala soco Isha wararka

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment