Manchester United oo ka badisay Chelsea

Thursday April 07, 2011 - 05:40:02
0 Comments
1495
Super Admin
Kooxda Shayaadiinta Cas-Cas ee Manchester United ayaa markii ugu horeysay jabiyey iskoorkii Stamford Bridge u yaalay muddo 9-sano kooxda Libaaxyada mad-madow ee Chelsea.

Wayne Rooney ayaa Manchester u saxiixay goolkii ay uga badiyeen kooxda Chelsea,iyadoo ciyaartanina ay ahayd lugtii koowaad ee wareegga 8-da kooxood ee Campions League-ga.

Macalinka Chelsea Carlo Anceloti ayaa si weyn uga xanaaqay 2 gool ku laad (Rigooro) oo si cad loowada arkayey,oo uu diiday garsooraha ciyaarta, maadaama uu ku adkeystay go`aankiisii ahaa inuusan dhigin, iyadoo wariyaasha FIFA ay sheegeen in rigooradi Ramires ay ahayd mid cad, inkastoo garsooraha reer Spain, A Undiano Mallenco uu diiday inuu dhigo.

Xagga kubad heysashada iyo weerarkaba waxaa qaybtii hore ku sareysay kooxda Manchester United, inakstoo marki danbe lagala wareegay qadka dhexe iyo weerarkaba, kadib beddelo micno soo kordhiyey oo uu sameeyey macalinka Chelsea Carlo Anceloti.

Ciyaartan lugteeda labaad waxa ay April 12-keeda ka dhici doontaa garoonka Old Trafford ee guriga Manchester United.

Dhinaca kale kooxda Barcelona ayaa 5-1 ugu awood sheegatay kooxda Shakhtar Donetsk, oo ay ku marti gelisay gurigeeda, waxaana goolasha Barcelona u kala dhaliyey A. Iniesta, D. Alves, G. Piqué, S. Keita iyo Xavi.

Kooxda Shakhtar Donetsk waxaa goolkii qura ay keensatay u dhaliyey Y. Rakitskiy daqiiqadii 59-aad ee qaybti danbe ee ciyaarta .

ARAGTIDA KHABIIRKA:
Ahmed Arif:

Run ahaantii ciyaartan oo ahayd mid adag marki horena laga bixiyey saadaalo kale duwan, hadane hadii aan eego awoodda ama tayada cayaartoyda waxaa si weyn ugu sareysa kooxda Chelsea,inkastoo xagga khibradda ay xoogaa ku sareeyaan kooxda Manchester United.

Labadan kooxood waa laba koox oo ka mid ah afarta kooxood ee ugu waaweyn horyaalka Ingiriiska, sidoo kale labadan kooxood waxaa ka dhexeeya xifaaltan adag.

Hadii aan eego dhinaca qaladaadka makala yareysan labada kooxood, inkastoo la, oran karo waxaaa qaladaad badneyd kooxda shayaadiinta cas ee Manchester Utd, oo iyagu sameynayey qaladaad ganaax ahaa oo uu garsooraha iska indha tirayey.

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment