Kooxda Chelsea oo la soo wareegtey ciyaaryahan Islam Ferus–

Monday September 12, 2011 - 17:46:46
0 Comments
1934
Super Admin
Waxaan maanta Sabti ah taariikhduna aheyd 10/09/2011 booqasho ku tagney xaruunta tababarada kooxda kubadda cagta ee Chelsea (Chelsea Football Club Academy )oo ku taal tuulada Cobham oo waxyar u jirta magaalada London, aniga iyo Xildhibaan Cali Afgooye Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada Dowlada Soomaaliya , si aan goob joog uga noqono uuna soo aragno wiil Soomaaliyeed oo u dheela kooxda Chelsea mudo labo sano ah iyo wiil Soomaaliyeed oo isna heshiis kula galeyay maanta garonka kooxda Chelsea.

Ciyaaryahanka Islam Ferus oo ahaa wiil mucjiso ku ah kubadda cagta islamarkaana hore uga soo tirsanaa kooxda Celtic iyo xulka Qaranka dalka Scotland (U17) ayaa u soo wareegay kooxda Chelsea oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan caalamka iyo dalka Ingiriiska, kooxaha ka dheela heerka koowaad koobka (Premier League).

Waxaa halkaasi yimid oo la socdey Mudane Geelle oo ah wiil Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ciyaaryahanada suuq geeya (Football Agent), islamarkaana ah maamulaha ciyaaryahan Ferus Islam, si ula socda wada hadalada iyo baarista caafimaad ee lagu sameynayay ciyaaryahankan cusub xaruunta Cobham.

Ciyaaryahankan ayaa lagu sameynayay imtixaano kale duwan oo ku saabsan xaga caafimaadka iyo xaga jirka, si loo xaqiijiyo inta aysan qalinka ku wada duugin heshiis dheer ay la galaan ciyaaryahanka iyo maamulihiisa kooxda Chelsea.

Waxaan nasiib u yeeshay inaan goob joog ka noqdo islamarkaana aan maanta oo dhan kula sugnaa ciyaaryahankan iyo meelaha uu ku marayay Cobham baarista kale duwan, iyadoo si wanaagsan noolagu soo dhaweeyay.

Managerka ciyaaryahanka ahna suuq geeyaha ciyaaryahanada kubadda cagta mudane Geelle ayaa iisheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in wiilkaan Soomaaliyeed ee ka midka ah ciyaaryahanada gacan saarka laleh in koox weyn uu heshiis la galo, islamarkaana kooxda heerka koowaad ee Chelsea uu si rasmi ah uu ula bilaabi doono tababarada ugu soo horeeya, kadib marka asbuucaan soo socda qalinka ay kugu duugaan heshiis rasmi ah oo saxaafada lagu soo bandhigi doono maalmaha soo socdo hadii Allah.

Kooxda Chelsea ayaa go’aansatey inay kale soo wareegan kooxda Celtic ciyaaryahankaan, wuxuuna hada ku sugan magalada London oo looga raadinaayo degaan cusub, si uu shaqadiisa uga bilaabo maalmaha soo socda marka si rasmi ah loo shaaciyo insha Allah.

Waxaan kale kula sheekeystey ciyaaryahankaan intuu uu joogey garoonka islamarkaana waxaa ii suurta gashey in la ii ogolaado inaan sawiro kaga soo qaado xaruunta Chelsea inta aan saxaafada caalamka loo soo bandhigin, taasoo aan uga mahadcelinaayo mudane Xildhibaan Cali Afgooye iyo Mudane Geelle, kuwaasoo igu marti qaadey inaan goob joog ka noqdo munaasabadaan.

Waxaan kale garoonka Cobham ku soo booqdey oo aan soo daawatey ciyaaryahan kale oo Soomaaliyeed lana yiraahdo Mukhtaar Cali Afgooye oo ka tirsan d’yarta kooxda Chelsea, kaasoo tababar ku qaadaneyay garoonka isaga iyo kooxdiisa.

Ciyaaryahan Mukhtaar Cali Afgooye run ahaantii waa wiil mustaqbal wanaagsan ku leh kubadda cagta, kasoo aan aad uga soo helay sida uu kubadda ula qaybsanaayo asaagiis garoonka, islamarkaana waxaa la sadaalinaayaa 3 sanadood gudahood laga daawan doono garoomada waaweyn isagoo u safan kooxdiisa Chelsea.

Kooxda da’yarta Chelsea waxay sanadkii hore ku guuleysteen koobka 13 jirada kooxaha waaweyn, sanadkaan waxaa la filayaa inay wacdaro ka soo dhigaan koobka da’yarta 14/15 jirada, kasoo dhawaan ka biloowdey dalkaan.

Run ahaantii maalinba maalinta kasii dambeysa soo baxaya dhalinyaro da’yar ah oo Soomaaliyeed oo ku soo biiraya kooxaha caalamka ugu qatarsan ee dheela kubadda cagta, taasoo farxad iyo guul weyn u ah jiilka soo socdo iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed, waxaana sii dheer in qabiiro isboorti oo badana ay maanta joogaan kuwaasoo kaalin walbo oo muuqato ka ciyaari kara sidii ay u tilmaami lahaayeen waalidiinta Soomaaliyeed ee dhaley caruur mustaqbal wanaagsan ku leh isboortiga gaar ahaan kubadda cagta.

SSPAMEDIA waxay hambalyo u direysaa ciyaaryahanka cusub ee ku soo biirey kooxda Chelsea iyo ciyaaryahanka kale ee hore uga tirsanaa da’yarta mustaqbalka kooxda Chelsea.

Wixii aan maanta soo korarsadey iyo garab istaagi aan garab istaagney wiilasheena halkaan qoraal kuma soo koobi karo, balse waxaan idin kula dardaarmi lahaa in caruurta Soomaaliyeed loo yeesho fiiro gaar ah si badbaadadeena dal iyo dibad noogu wanaagsanaato mustaqbalka insha Allah.

Waxaan soo arkey boqolaal caruur ah oo tababaro ku qaadanaya Academy Chelsea oo ay wehliyaan waalidkii dhaley aabe iyo hooyo, kuwaasoo aan hubo inaysan ka wanaagsaneyn caruurta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London, balse hadii waalidiinta Soomaaliyeed ay u sabraan caruurtooda oo ay garab istagaan marka ay u baahan yihiin sidaan oo kale si ay garoomada tababarada lagu siinaayo u racaan islamarkaana ay waajib tahey inay geeyaan, hadii aad taqaano caruur Soomaaliyeed oo ku wanaagsan kubadda cagta oo ay da’doodu u dhaxeyso 12 jir ilaa 16 sano jir waxaan ka caawin karnaa sidii lagu tilmaami lahaa ama lagugu caawin lahaa wixii figrado ah aan heyno, anagoo ay noo fududahay inaan ku tilmaamno dad qibradeeda leh islamarkaana ay tahey shaqadooda ee nala soo xiriira insha Allah.

Caawinta Soomaalida iyo soo saarista da’yarta isboortiga ku wanaagsan wax shuruud ah oo aan kugu xireyno ma jirto.

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

Related Items


Leave a comment