Holland oo mamnuucay bireynta xoolaha nool

Sunday April 10, 2011 - 03:16:13
0 Comments
1129
Super Admin
Dalka Holland Sannadkiiba waxaa la gawracaa oo 4milyan oo diggaaga ah ( doorro) iyo 200, 000 oo kun oo ah hilibka lo'da ah iyagoo u dhoofiya wadammadda islaamka, gaar ahaan deegaammada bariga dhexe. sidoo kale waxaa ku nool 900,000 oo Islaama iyo 80 oo Yuhuuda waan labada kaliya ee xoolaha gawraca.
Jaamacada Wageningen ee Holland ayaa muddo hore daraasad samaysay ka dib markii qaaday in ka badan 800 oo waraysi kuwaas oo boqlkiiba 80% isku raacay in la joojiyo xoolaha la gawracyo, laakiin arintan waxa ay dadka xusuusisay sannadkii 1975tii oo dadka Hollandiiska laga mamnuucday guurka dadka qaraabada ah sida Inaa- abtiga iyo Ilmaa-adeerta iwm.

Hadaba Holland ayaa soo saartey sharci cusub oo ku saabsan gawraca xoolaha, xeerkan cusub macnihiisu ma aha in la wada joojinayo xoolaha la xalalaynayo, laakiin waa in la badalo qaabka Islaamku ay wax u gowracaan ama ay u bireyeeyaan taas oo xubno ka tirsan xisbiyadda xagjirka ah iyo hay'adda xuquuqda xayawaanku ay gundhig uga dhigeen labo arimood.

1. Marka neefka la gawracayo mindidu waxa ay silcisaa Margiga( hunguri) kowaad muddo 80daqiiqadood ah taas oo neefku uu dareemayo xanuun badan.

2. Marka labaad Mindidu waxa ay silcisaa Margiga Labaad muddo 2ilaa 3daqiiqadood ah taas oo neefku uu sii dareemayo xanuun kale waa sida daraasadka ay u dhigeen.
Waxaa la rabaa in neefka la suuxiyo ama la ciijiyo oo naqaska lagu dhajiyo ka dibna la gawraco ,hadaad ka eegto xaga taariikhdana waa markii ugu horeeysay ee reer Yurub ah ay mamnuucaaan in xoolaha lagu bireeyo madhabta Yuhuuda iyo in shareecadda islaamka lagu gawraco .

Sidoo kale saamayn ayay ku yeelatay Jaaliyadda Yuhuuda ee ku nool Holland ayaa iyaguna gawraca xoolaha oo dhiiga ka sii daaya waxayna ugu yeedhaan Kosher, iyagoo aad uga xun arintan waxa ay ku tilmameen mid baal maarsan xeerka dastuuriga ee xaq dhowrka dhaqammada iyo diimaha, isla markaana ah arin anfariir iyo naxdin leh.iyagoo waliba sheegay in deganyihiin dalka Holland 400 oo sannadood.

Dadka islaamka ,gaar ahaan maamullada Maskaraddaha(xero dhiigta), tukaamada ka ganacsada hilibku iyo shacabka islaamku ayaa abaabulaya dacwado iyo in ay dhigaan mudaharaadyo looga soo horjeedo xeerkan.

Inkastoo dadku ay isla dhex marayaan in sharcigan uu yahay sharciga dastuuriga ah ee loo yaqaano (Gedoogdbeleid ) oo macnihiisu yahay idho saab in baab-bacadda indhaha la saaro oo faraha la kala furo si indhuhu ay wax u arkaan oo macnihiisu uu yahay sharciyadda qaarkood la fudaydiyo, taas oo ku arooraysa waad u jeeda laakiin waxba aad arag .

Baarlamaanka Holland ayaa ka doodaya arintan toddobaadka soo socda

M.Farah Aden ( Ghandi )
Holland


Related Items


Leave a comment