Boqor Burhaan Oo Si Adag Uga Horyimid Xeer Lagu Mamnuucay Gudniinka Gabdhaha

Saturday June 19, 2021 - 20:58:02
0 Comments
351
Qardho

Iyadoo Maalmihii Ina dhaafay ay jireen Diidmo katimid Culimada degaanada puntland oo Ku Aadanayd Xeer dhawaan ay Ansixisay golaha xukuumada Puntland.

Ayaa Galabta Waxaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si adag uga horyimid Xeer lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha, kaas oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Xukuumadda Puntland.

Boqorka ayaa Tilmaamay in wakhti badan lagu bixiyay, sidii Puntland looga joojin lahaa Gudniinka Fircooniga ah islamarkaana dhibaatada ba’an ku haya Gabdhaha Soomaaliyeed.

Isagoo Sheegay in aan cidna laga yeeli doonin in ay mamnuucdo Gudniinka Sunniga ah ee ku bannaan Diinta Islaamka islamarkaana aysan jirin cid awood u leh in ay mamnuucdo shay Allaah jideeyay.

Gaba gabadii Boqorka ayaa baaq u jeediyay dadka Arrintaas ku kacay in ay Alle u toobad keenaan madaama ay Gefka ay ka galeen Shareecada Islaamka.

W/D Axmed khadar Max'ed

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment