Dawlada maraykanka oo ku dhawaaqday in dagaal la galayaan shabaab:

Wednesday April 27, 2011 - 11:56:19
0 Comments
946
Super Admin
Maraykanka oo sheegay in uu diyaar u yahay la dagaalanka Shabaab
Dowladda Maraykanka aya kala hadashay Madaxda Afrika inay diyaar u tahay sidii dagaal loola gali lahaa Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya iyo Urur waynaha Al-qaacidda.

Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Maraykanka ee u qaabilsan dhinaca Cirka Janaral Norton ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia isaga iyo Sarkaal ka tirsan Ururka Midowga Afrika aya sheegay in Maraykanka uu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaadato dagaalada looga soo horjeedo Shabaab iyo Al-qaacidda.

Sarkaalkani u hadlay dowladda Maraykanka islamarkaana u qaabilsan dhinaca Cirka ayaa waxaa uu sheegay in Hogaamiye yaasha Ururka Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Milatariga ay isla meel dhigeen sidii qaarad waynta Afrika loogu soo celin lahaa amni iyo Xasilooni gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Janaral Norton ayaa waxaa uu sheegay in kulankaasi la’isku afgartay sidii dowladda Maraykanka ay Ururka Midowga Afrika kaga taageeri lahayd dhinaca Milatariga iyo la dagaalanka Al Shabaab oo dagaalada kula jira Xarakada Al Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan diyaar u nahay in aan gacan siino dhinac waliba hadii ay ahaan lahayd sahyada iyo Milatariga, waxaa loo baahanyahay in xal laga gaaro dhibaatooyinka iska soconaya ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, dowladda Maraykankana way ka go’antahay inay ka hortagto Al Shabaab iyo Al-qaacidda” ayuu yiri Mr. Norton.

Ugu dambeyn ayaa Sarkaal sare oo u hadlay dowladda Maraykanka waxaa uu sheegay inay soo dhawaynayaan hadalka kasoo yeeray dowladda Marayanka islamarkaana ay gacan wayn ka qadan doonaan sidii Somalia loogu soo celin lahaa Nabad waarta.

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment