Nairobi; Midawaga Yurub oo sheegay inay dhaqalaha ka jarayaan DKMG & AMISOM

Sunday May 01, 2011 - 23:08:52
0 Comments
941
Super Admin
Midowga Yurub oo sheegay inay dhaqalaha ka jarayaan DKMG & AMISOM
Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay dhaqaalaha ka jirayaan dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM hadii aan la suurto galin qabsoomidda Doorashada Madaxtinimo bisha Augusta ee soo socota.

War kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay dhaqaalaha ka jarayaan dowladda KMG iyo AMISOM hadii gabi ahaamba aan loo diyaar garoobin Doorashada la filayo inay dhacdo horaanta bisha Augusta oo ah xiliga ay ku egtahay dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale warka kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in gabi ahaamba taageeradii lasii jiray dowladda iyo Ciidamada Ururka Midowga Afrika AMISOM ay joojin doonaan hadii aan loo hogaamsamin islamarkaana aan la qaban doorashooyinka xiliga loogu talagalay.

Sanadkii tagay ayaa Ururka Midowga Yurub oo ka mid ah Ururada si aadka ah u taageera dowladda KMG Soomaaliya, waxaa uu balan qaaday in aduun lacgeed oo gaaraya 348.4-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah uu siin doono sanadkii tagay ee 2010- ilaa sanadka 2013-ka, waxaana uu Ururkaani gacan wayn ka gaystay tababaridda Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ee ku aadan in la jarayo dhaqaalihii lasiin jiray dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii dambe ay isa sootarayeen is qab qabsiga iyo muranka xooggan oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG kaasi oo ku aadan xiliga ay dhacayso doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

www.Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment