Mareykanka oo Shaaciyey in Usama Bin Laden La Dilay

Monday May 02, 2011 - 10:49:04
0 Comments
987
Super Admin
DEG DEG: Mareykanka oo Shaaciyey in Usama Bin Laden La Dilay
Warar deg deg ah oo goor dhoweyd ay shaacisay dawlada Mareykanka ayaa sheegaya in sirdoonka Mareykanka CIA ay dileen Cusaama Binu Laden hogaamiyihii ururka Al-Qaacida.

Wararka war baahintu soo sheegayaan ayaa ku waramaya in Bin Laden lagu dilay guri uu ka deganaa magaalada Islamabad ee xarunta wadanka Pakistan, walow si rasmi ah goobta aysan u shaacin dawlada Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa la filayaa in goor dhow shir jaraa’id uu kaga hadlo arintan kuna qabto aqalka cad ee Washington.

Wararka isa soo taraya ayaa sheegaya in meydka Bin Laden uu gacanta ugu jiro sirdoonka Mareykanka CIA, ayna saxaafada tusi doonaan waqti dhow.

Wixii war ah oo danbe kala xariir isha wararka BT

Related Items


Leave a comment