M/weyne Shariif oo soo dhaweeyay dilka Bin Laden

Monday May 02, 2011 - 19:05:24
0 Comments
1163
Super Admin
Madaxwenaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa maanta soo dhaweeyay dilka hogaamiyaha Al-Qaacida Osama Bin Laden shalay loogu geystay dalka Pakistan.

Kulan ay yeesheen Gudiga Aminiga Qaranka oo uu goobjoog ahaa ra`iisal wasaaraha ayuu hadalkani ka sheegay madaxwenaha, waxaana uu ku eedeeyay Osama in uu ka dambeeo dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hogaamiyaha Al-Qaacida uu doonaayay in uu gabaad ka dhigto Soomaaliya islamarkaana looga duulo wadamada caalamka.

M/weyne Shariif ma ahan hogaamiyaha ugu horeeya ee soo dhaweeya dilka Osama Bin Laden, waxaana madaxda dalal badan oo Muslimiin ah oo ay ka mid yihiin Turkiga, Jordan iyo Sucuudiga ay sidoo kale soo dhaweeyay dilaka Osama.

Ciidan Mareykan ah ayaa shalay oo Axad ah ku dilay meel 50-kilomitir u jirta caasimadda Pakistan ee Islamabad, waxaana lala dilay wiil uu dhalay iyo caruur ay sii dhaleen.
wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha warar ka

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment