Mogdisho; Wasaarada Gaadiidka DKMG ah oo Amar ku soo rogtay Darawalada Gaadiika Muqdisho

Monday May 09, 2011 - 18:07:08
0 Comments
1246
Super Admin
Wasaarada Gaadiidka DKMG ah oo Amar ku soo rogtay Darawalada Gaadiika Muqdisho

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdishomaanta waxaa buux dhaafiyay ciidamo ka mid ah kuwa maamulka gobolka banaadir kuwaas oo halkaasi ka wada howlgalo ku aadan amaro ay gaadiidka dadweynaha ku soo rogtay wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya .

Amarka ay soo saartay wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku saleysanyahay in darawalada gaadiidka Muqdisho ay sameystaan leysinka gaadiidkooda, isalamarkaana cedeynta u ah darawal nimadiisa darawalka.

Ciidamada Police-ka DKMG ah ayaa taagan wadooyinka waaweyn ee Muqdisho iyagoo teer iyo saaka weydiinayay gaadiidka in ay sitaan leysinka ruqsada darawal nimo in ay ka soo qaateen wasaarada gaadiidka DKMG Ah.

Dhinaca kale darawalada gaadiidka oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qaarkood aysan iibsan Karin leysinka ay wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka ay soo bandhigeen kaas oo qaali ku ah .

Qaarkood gaadiidka dadweynaha sida B L lada ayaa sameyay shaqo joojin kooban iyagoona ku goodiyay in ay kordhindoonaan lacagaha ay ka qaadayaan shacabka maadaama ay sharuud ku noqotay in ay qaataan leysinka wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka ay ku dhawaaqday.

Sikastaba ha ahaatee dadka reer Muqdisho ayaa isla dhexmaraya arimaha ku aadan ku dhawaaqista DKMG ah in darawalada gaadiidka ay qaataan leysinka iyagoona kuu sheegaya in dabayaaqadii dowladii Cali Maxamed Geedi uu ku dhaqaaqay arimo ceynkan oo kale ah, waxayna kuu fahan siinayaan in Dowlada Farmaajona ay u muuqaneyso in ay marto wadadii xukuumadii ka horeysay, taas oo loofasiri karo in ay dhaqaale urursi sameyneyso xukuumadan maadaama waqtigeeedii uu ka haray 3 bilood oo qura.

Cali Maxamed Axmed

Related Items


Leave a comment