Qayb ka mid ah Xildhibanada Dawlada oo sharci Daro ku tilmaamay Gudiga Doorashada;

Wednesday May 11, 2011 - 01:41:19
0 Comments
1173
Super Admin
Gudiga Dastuurka oo soo dhaweyay go,anki lagu horistagay Xildhibanadi Shalay ka dhofirabay Garoonka Adan Cade
Gudiga dastuurka Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay talaabadii lagu xadhibay xildhibaano ahaa taageero yaasha gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Kulan ay maanta ku yeesheen xildhibaanada gudiga dastuurka Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen talaabadaasi waxa ayna sheegeen in ay sax ahayn in la celiyo xildhibaanadaasi. Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ahna gudoomiye ku xigeenka gudiga astuurka baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in lagu saxnaa in la hor istaago mudaneyaashaasi oo waliba loo diido in ay ka baxaan Muqdisho.

Waan soo dhowaynaynaa in la joojiyo socdaalka xildhibaanadaasi sababtoo ah macquul mahan in halmar ay wada baxaan xildhibaano tiro intaasi la’eg’’.. ayuu yiri xildhibaan C/qaadir Sheekh ISmaaciil. Waxa uu sidoo kale uu sheegay gudoomiyaha gudiga dastuurka Baarlamaanka in xildhibaanada gudiga Doorashada ay yihiin kuwo anan sharci ahayn oo anan la soo marsiin baarlamaanka.

Kulanka xildhibaanadaan ayaa waxa uu imaanayaa xili xildhibaano badan oo ahaa gudiga Doorashada Baarlamaanka shalay laga hor istaagay in ay ka dhoofaan garoonka Muqdisho.

Related Items


Leave a comment