Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sheegay Somalia Hoy al-Qaacida;

Monday May 16, 2011 - 09:34:20
0 Comments
1361
Super Admin
Geelle: “Somaliya waxay noqotay Hoy Aargigixiso
Madxweynaha dowladda Jabuuti ayaa sheegay in marna aysan qabali dooni doonin in dalka Soomaaliya uu noqdo meel Aargigixisada Calamka ay ugu duulaan wadamada kale ee Caalamka.

Isagoo u waramayay Jariirad kasoo baxda dalka Sacuudiga oo lagu magaccaabo Al-Xayaata ayaa waxaa uu sheegay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in dowladdiisa aysan marna raali ka noqon doonin in dalka Soomaaliya uu noqdo goob loogu duulo Caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay in dowladda Jabuuti ay ka shaqaynayso sidii ay dalka Soomaaliya dib ugu soo celin laheyd nabadii iyo kala dambeyntii uu lahaa taasi oo uu shaaca ka qaaday inay dan wayn ugu jirto wadamada Jabuuti iyo Soomaaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dowladda Jabuuti waxaa uu intaasi ku daray in tan iyo Sanadkii 2001-da uu dalka Soomaaliya isku badalay hoy ay isugu yimaadaan Aargigixisada Caalamka, iyadoo dhowr jeer laga abaabulay qaraxyo lala beegsaday meel ka baxsan dalka Soomaaliya.

“ Anaga waxaan dadaal ku bixinay la dagaalanka Aargigixisada sidaasi darted, waxaan kala shaqaynaynaa beesha Caalamka sidii ay dalka Somaliya u xasilin lahayeen si looga baaqsado dhibaatooyinka Caalamka ugu imaan kara dalka Somaliya” ayuu yirir Madaxweynaha dowladda Jabuuti.

Dowladda Jabuuti oo ah dowladda aad u yar uu ku taala Geeska Afrika ayaa waxaa ay dadaaal dheer u gashay sidii dalka Soomaaliya loo xasilin lahaa taasi oo hadii ay beesha Caalamka uu garabka ku siin lahaa ay waxbadan iska badali laheyd xaaladda dalka Soomaaliya.

Wixii war ah oo danbe kala xariir Isha wararka

www.Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment