Soomaaliyed UYS oo dood cilmiyeed ugu qabtay Muqdisho in ka badan 100 Odayaal dhaqameedyo Soomaaliyed

Thursday May 19, 2011 - 14:27:56
0 Comments
1173
Super Admin
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed UYS oo dood cilmiyeed ugu qabtay Muqdisho in ka badan 100 Odayaal dhaqameedyo Soomaaliyed
Dood Cilmiyeed ku saabsan sida Dhaliyarada maanta ugu nugul yihiin in la marin habaabiyo oo lagu soo beegay munaasabada 15-ka May oo maanta Muqdisho lagu qabtay
Dood Cilmiyeed ku saabsan sida Dhalinyarada maanta ay ugu nugul yihiin in la marin habaabiyo oo lagu soo beegay Munaasabada 15-ka May 68-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii Ururkii Gobanimo doonka SYL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Hey'adda Wada hadalka Bulshada ee CCD oo soo agaasintay munaasabadan iyo dood cilmiyeedkan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG, oo isugu jiray Wasiiro, iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Culumaa'udiin, waxgarad iyo haween ka socday Ururada Bulshada ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 100-dhalinyaro oo ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ugu horeyn munaasabadan 15-ka May ayaa waxaa furay Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo horay u ahaa Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa waxaa uu ugu horeyn ka jeediyay munaasabada taariikhda ururkii Dhalinyarada ee SYL iyo halgankii ay u soo galeen gobonimada dalka.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay inuu isaga ka mid ahaa agoontii SYL, isagoo xusay in aabihii lagu dilay Dhagaxtuur taariikhda markee aheyd 1949-kii, waxaana uu si gaar ah uga sheekeeyay taarikhdii iyo dhaq dhaqaaqii gobanimo doonka ahaa ee ay horseedeen dhalinyaradii 13-kii SYL.
"Waxaa mudan inaan munaasabadan ku xusuusano 68-sano kadib dhaq dhaqaaqii gobanimo doonka, aniga waxaa ka mid ahaa agoontii SYL, si gaar ah ayay taariikhda aniga ii taabatay, aabahey Dhagaxtuur ayaa lagu dilay 1949, 68-sano ka hor iyo maanta Soomaaliya wey kala duwan tahay dhalinyaro muwaadiniin Soomaaliyed ayaa intee is xusheen ku fikiray inay dalka xoreeyaan"ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.
Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in dhalinyaradii hore iyo kuwa maanta ay farqi u dhaxeeyaan, isagoo xusay in dhalinyaradii hore aanay aqoonyahano aheyn, balse ay ahaayeen kuwo ay ka go'neyd dhalinyaro ka dhiidhisay ficiladii isticmaarka, waxaana uu sheegay in dhalinyaradaas ay taariikhda Soomaaliyed ka galeen baal dahab ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu tilmaamay in halgankii SYL uu soo maray heerar kala duwan, isla markaana sanadihii 1943 ilaa 1956 ay dhaceen ilaa afar dagaal oo ahaa mid lagu raadinayay halganka gobonimo doonka, Gumeysigii jirayna la isaga dulqaadayay.
"Dalkan Doorkiisa waxaa laga rabaa dhalinyarada, waa inay la diriraan kuwa qabyaalada ku wada, kuwa jabhadaha ka dhigaya kuwa diinta ku gambanaya ee marin habaabinaya, waa inaad ka hortaagtaan, calankii in lagu idinku marin habaabiyo inaad tuurtaan ee aad calan kale oo madow qaadataan iska diida"ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo dhalinyarada maanta ku guubaabiyay inay qaataan doorkii dhalinyaradii hore ee SYL.
Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabada ka hadlay Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko oo uga mahad celiyay Hey'adda Wada Hadalka Bulshada inay soomaalida u furtay wado ay ku kulmaan, isagoo sheegay in Hey'adda ay suura gelisay in bulshada qeybaheeda kala duwan ay ku kulmiso goobo si loo helo horumar, iyo nabadgelyo.
Cali Seeko ayaa sheegay in Soomaaliya 68-sano ka hor iyo maanta ay aad u kala duwaneyd, waxaana uu tibaaxay in loo baahan yahay in doorkii 68-sano ka hor ay dhalinyarada maanta oo ah buu yiri kuwo aqoonyahano ah inay soo xoojiyaan, sidii dalka uu uga bixi lahaa dhibaatooyinka dalka ragaadiyay.
"Soomaaliya 68-sano ka hor yey xoolo badan yahay, yey caqli badan tahay, yey aqoon badan tahay, maanta ayaa dhihi karnaa, hadii 68-sano ka hor u cuntami weysay in Gumeysti uu heysto, in dhaqaalahooda lagu takri falo, sidee maanta noogu cuntami kartaa, sidee suura gal u tahay in soomaali la heysto"ayuu yiri Xildhibaan Cali Seeko oo isla bar bar dhigayay xilligii hore iyo xilligan.
Mar uu ka hadlay qaabka ugu haboon ee xilligan dhalinyarada lagu dhaqan celin karo ayuu sheegay in loo baahan yahay in dhalinyarada iyo Culumaa'udiinka xiriir rasmi ka dhaxeeyaan, isla markaana Culimada laga doonayo inay caruurta ay wacyi geliyaan, isla markaana dadka la qalday ka sixi kara, waxa lagu qalday.
"Dhalinyarada inay u diyaar garoobaan, qaabka dalka uu ku jiro ka samata bixin karaan, inay iskaashadaan, dhaqanka culimada iyo haweenka, dhalinyaro wadankiina waa idin baahan yahay, xoogiina berrina aad noqotaan mustaqbalka, dhalinyarada la marin habaabiyay soo celisaan aadna wax u sheegtaan dhalinyarada"ayuu yiri Xildhibaan Cali Seeko.
Afhayeenka Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Sheekh C/qaadir Soomow oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Dhalinyarada maanta ay Alshabaab ku shubeen fikrad qaldan, isla markaana dhalinyarada ay noqdeen kuwo labo qeyb ah, kuwaasoo uu ka xusay kuwa Alshabaab ay qaldeen, iyo kuwa dalka ka cararay oo badaha ku dhamaaday, waxaana uu cadeeyay in dhalinyarada la marin habaabiyay ay dilaan waalidkooda iyo walaalahooda.
Sidoo kale Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax oo isna ka hadlay Munaasabada ayaa uga mahad celiyay Hey'adda CCD in mar walba ay joogteyso sidii bulshada qeybaheeda kala duwan isugu keeni laheyn, waxaana uu sheegay in 68-sano kadib aanu maanta dalka u ekeyn wixii horay loo soo maay, waxaana uu xusay in dhalinyarada maanta la qalday, qaarkoodna la daroogeeyay, iyagoo loo adeegsaday dano guracan sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kaloo munaasabada ka hadlay Afhayeenka Beelaha Banaadiriga C/llaahi Sayid Cali oo sheegay in looga baahan yahay in dhalinyarada maanta ay noqdaan kuwo daacadnimo u abuura sidii ay ay dalka ugu soo dabaali lahaayeen nabad, isagoo sheegay in aanay suura gal karin in dalka cabsi la geliyo.
"Waxaa laga rabaa dhalinyarada inay abuuraan jawi is faham oo daacadnimo ah, sidaas darteed waxqabad inay la yimaadaan dhalinyarada dalkooda ay xoreeyaan in maanta Afganistan iyo Pakistan looga soo duulay dhalinyarada, aqoontooda la baabi'iyo, wax la qaadan karin dhalinyaradii jaamcadaha ka soo baxday lagu qarxiyo ayagoo qalin jebinaya, anaga waa soconaa odayaal ayaa nahay, kuwii berri dalka wax u tari lahaa waa dhalinyarada, marxaladeena waa soo gudubnay wanaag ama xumaan ha ahaato"ayuu yiri C/llaahi Sayid Cali.
Xoghayaha Guud ee Dallada Ururada Bulshada Faadumo Aadan Cosoble ayaa iyadana ka hadashay munaasabada maanta ee 15-May, waxaana ay tilmaamay in heerka maanta uu dalka u ku jiro uu yahay mid wiilka iyo waalidka ay iska cabsanayaan gaar ahaan waalidka, waxaana ay xustay in dhalinyarada la marin habaabiyay fikradaha qaldan ee lagu shubay aanay aheyn kuwo aan u dhalany, iyadoo tilmaamay in caruurta iyo waalidiinta la dhex dhigay xiriir xun ah.
Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiiru Dowlaha Tamarta, Macdanta, Biyaha iyo Shidaalka ayaa sheegtay in dhalinyarada maanta ay noqdeen kuwo loo adeegsado hurinta dabka shidan, ayna noqdeen xaabadii lagu ololinayay, sida basiinka iyo taraqa, waxaana ay xustay in dhalinyarada maanta jirta loo baahan yahay inay buuxiyaan booskii 13-kii dhalinyaro ee SYL, isla markaana raacaan dariiqii ay mareen sida ay tiri.
Waxaa ay sheegtay in dhalinyaradii hore ay lahaayeen xasaanad lagu ixtiraamo, waxaana ay carabka ku dhifatay in loo baahan yahay in dhalinyarada ay ka tashadaan sidii ay uga saari lahaayeen dalka dhibaatooyinka ka jira, isla markaana ay ka hor tagaan in loo adeegsado hurinta colaadaha.
Ugu dambeyn waxaa munaasabada soo xiray Sheekh Maxaadey Maxamuud Jilicow ayaa dhalinyarada kula dar daarmay inay noqon kuwo lagu adeegto, waxaana uu ugu baaqay inay raacaan wadadii ay horay u mareen dhalinyaradii SYL, waxaana uu hadaladiisa u badnaa mid dhinaca diinta uu kaga tusaaleynayay dhalinyarada sidii ay wadada toosan u marin lahaayeen.

Related Items


Leave a comment