Madaxii Hore ee IMF, Strauss-Kahn oo Damiin lagu Siidaayey

Saturday May 21, 2011 - 01:04:26
0 Comments
978
Super Admin
Madaxii Hore ee IMF, Strauss-Kahn oo Damiin lagu Siidaayey
Madaxii hore ee hay’ada lacagta adduunka IMF Strauss-Kahn oo loo heystay dacwad ku saabsan fal isku day kufsi ah ayaa markii ugu horeysay loo ogolaaday in damiin lagu siidaayo isagoo bixiyey lacag gaareysa $1-Milyan.

Strauss-Kahn oo u dhashay wadanka Faransiiska ayaa mudooyinkan ku xirnaa xabsi ku yaalla jaziirada Rikers ee New York kadib markii ay soo dacweysay haweeney 32-jir ah oo Afrikan ah taasoo sheegtay in Strauss-Kahn uu isku dayey inuu qasab ku kufsado xilli ay soo nadiifineysay qolkii uu hotelka ka deganaa magaalada New York.

Maxkamada hore ayey u diiday in Strauss-Kahn damiin lagu siidaayo kadib markii uu qareenkisu dalbaday maadaama looga cabsi qabay inuu ka baxsado New York oo uu dhuunto.

Hase yeeshee Khamiistii shalay ayaa qareenkiisa oo lagu magacaabo Willian Taylor wuxuu sheegay inay bixiyeen $1 milyan oo damaanad ah, isla markaana laga qaaday baasaboorka.

Strauss-Kahn ayaa hadda ku jira xabsi guri isagoo lugta looga xiray qalab electronic ah oo sheegaya dhaqdhaqaaqiisa, waxaana guriga ku waardiyeynaya hal nin oo hubeysan oo ka tirsan booliska si uusan u baxsanin.

Markale ayaa la filayaa in 6-da June uu ku soo laabto maxkamada New York si dacwadada halkeeda looga sii wado.

Xaaska Strauss-Kahn oo lagu magacaabo Anne Sinclair ayaa iyaduna maxkamada timid maalintii Khamiistii si y uga qeybgasho kiiska loo heysto saygeeda.

Bilawga dacwada

Dacwadan waxaa ay ka dhalatay cabasho ay soo gudbisay naag 32 jir ah oo u dhalatay wadanka Guinnea taasoo shaqaale ka ahayd hotel qaali ah oo ku yaalla New York halkaasoo Strauss-Kahn uu deganaa.

Isaga waa uu beeniyey dacwadan, wuxuuna sheegay inuu yahay qof aan wax eed ah lahayn sida uu ku sheegay warqadii uu xilka IMF kaga degey.

Xilkii IMF

Strauss-Kahn oo markii la qabanayey ahaa gudoomiyaha IMF ayaa xilkaasi iska casilay toddobaadkan markii ay adkaatay dacwadiisa la xiriirta dhaqan xumada. Wuxuuse isagu sheegay inuusan wax eed ah lahayn balse uu xilka uga degey si uu isu difaaco.

Hay’ada IMF ayaa bogeeda internet-ka ku faafisay in Strauss-Kahn uu xilka ka degey, waxaana la shaaciyey in gudoomiye cusub ay hay’adu yeelan doonto.

Dhanka kale waxaa soo baxay kiis labaad oo ay soo bandhigatay gabar qoraa ah oo Faransiis ah oo sheegtay in Strauss-Kahn uu isku dayey inuu iyada kufsado 2002.

Xig RBC

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment