Xog kasoo baxaysa lacagtii lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Saturday May 28, 2011 - 01:23:45
0 Comments
1160
Super Admin
Faah faahin kasoo baxaysa lacagtii lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee
Shirkad fadhigeedo yahay dalalka Kenya iyo Mauritius ayaa la sheegay inay ku lug laheyd howlgalkii lagu qabay diyaarado iyo dad Ajaaniib ah oo dhawaan ciidamada dowladda ay ku qabteen Garoonka Aadan Cade Airport ee Magaalada Muqdisho.

Wargayska Daily Telegraph ayaa sheegay in ilo dhinaca amaanka ah ay sheegeen in howlgalkii lagu qabtay lacagtii ay siteen raga Ajaanibta ahaa ee lagu qabtay Muqdisho ay ku lug laheyd shirka dhinaca amaanka ah oo fadhigeedu yahay dalalka Kenya iyo Muriishius taasi oo sida la sheegay xiriir ay la leedahay Saraakiil howlgab ah oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Wargayska ayaa waxaa uu sheegay in Saraakiisha howlgalkaasi ka qeyb qaatay ay ka mid ahaayeen Andrew Oaks iyo Alex James kuwaasi oo ka tirsan Shirkadda Salama-Fikira iyo Methow Broud oo iyana ah shirkad kale.

Wararku ayaa waxaa ay sheegayaan in shirkada Salama-Fikira ay howlaheedu yahay arimaha badda hase ahaatee Afhayeen u hadalay Wargayska Daily Telegraph ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin dheeraad ah uu ka bixiyo qaabka uu u dhacay howlgalka lagu qabtay Muwaadiniinta u kala dhalatay Maraykanka, Kenya iyo Ingiriiska kuwaasi talaadadii lasoo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaraha Aadan Cade International Airport ee Magaalada Muqdisho xili ay siteen diyaarado aan calaamado lahayn oo siday aduun lacageed oo gaarayay 2.2-Milyan oo Pound oo madaxfurasho ah.

Ilo Milatari ayaa u sheegay Wargayskaasi in lacagta ay siteen ragaani Ajaaniibta ah ay aheyd mid madax furasho ah oo la doonayay in lagu sii daayo labo Markab oo ay gacanta ugu jiraan kooxaha burcad badeeda Soomaalida islamarkaana laga kala leeyahay dalalka Masar iyo China kuwaasi oo lagu kala magacaabo MV Suez iyo MV Yuan Xiang.

17-kii bishan ayaa lagu qabtay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho labo diyaaradood oo siday lacag kaash ah oo gaaraysay 3-Milyan 600-boqo oo Kun oo dollar-ka Maraykanka iyo 3-nin oo British ah, 2-nin oo Kenyan ah iyo ruux kale oo Maraykanka ah kuwaasi oo dhamaantooda ahaa Ajaaniib lasocotay labadaasi diyaarad.

Afhayeenka Ciidamada booliska ee dowladda KMG Soomaaliya Gaashaanle sare C/laahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada booliska iyo kuwa Nabad sugidda ay gacanta ku dhigeen Diyaarado iyo rag ajaaniib ah oo siday 3-Milyan 600-boqo oo Kun oo dollar islamarkaana uu socdo baaritaano lagu xaqiijinayo ujeedka lacagtaan iyo raga la socday.

Related Items


Leave a comment