Dad badan oo u dhintay bakteeriyadda Min-dhicirka EHEC ee Jarmalka–

Tuesday May 31, 2011 - 02:27:22
0 Comments
999
Super Admin
Dad badan oo u dhintay bakteeriyadda Min-dhicirka EHEC ee Jarmalka–
Todobaadkii hore dalka Jarmalaka waxaa ka dilaacay bakteeriya ay ku u dhinteen dhowr qof taas oo yidhaahdo Enterohaemorrhagic Escherichia coli (EHEC) waxaana ay ku dhacdaa dadka iyo xayaawaanka dhiiga kulul.taas oo aafaysa min-dhicirada ( min-dhiqirka, mi-dhiciradda ) waxaana laga qaada khudrada caydhiin , tan hadda ku dhacday Jarmalka waxaa laga helay khudrada nooca loo yaqaano kom-koomarka iwm.

Wasaarada arinmaha gudaha ee Jarmalka waxa ay cadaysay toddobadkii hore ilaa iyo maanta in 14 qof ay u dhinteen bakteeriyadan
Enterohaemorrhagic Escherichia coli (EHEC) sidoo kalena tiro dhan 300 oo qof oo ay aafaysey EHEC aay jiifan cusbutaalada . sidoo kale
direkterka guud ee Cusbutaalka Jaamacadda Hamburg Jorg Debatenka hadlay arintan waxa uu yidhi sidan

"Cusbutaalada waxaa ku soo qul- qullaya boqolaal Boqolaal bukaan jiifa oo bakteriyadani ay afaaysay, waana bakteeriyo fir-fircoon oo xawllli ku socota. waxaa jiifa cusbultaalkan oo kaliya 30qof oo kalyihu ay shaqo gabeen. Dad badan ayaan waayi doonaa, sidaa darteed waa in aan ka taxadirno inta ayna aafayn dhalinyaro badan oo ay bakteeriyadan daciifin doonto".

Bakteeriyadan waxa ay ku dhacda mindhiciradda ka dibna waxa aycuryaamisaakalyaha oo xitaa waxa ay dishaa xididka LISAHA ee kalyaha qashin sidoo kaletuumbbooyinka lagu xidho qofka jiran ee la raaciyo xiddida ayaa waxaa buuxiya dhiig badan..

Calamaddaha Bakteeriyadan lagu garto
. Shuban xad dhaafa
. Dhidid badan
. Calool xanuun badan
. Mantag ( matag ) iyo daalaylo ama yalaalugo badan
. Xumad culus oo aad u badan

Cusbutaalka Jaamacadda Hamburg waxa ay u qaybin doonta cusbutaalada kale daawo cusub oo tijaabadeedu ay socoto
oo hakinaysa bakteeriyadan , taas oo lagu magacaabo ECULIZUMAB, laakiin ka hor inta aan la isticmaalin daawadanwaa in marka hore
waddammo kale lagu tijaabiyo, haddi ay shaqaysana toddobaadyo gudahood ayaa bukaan jiifka iyo cusbutaalaada loo qaybin doonaa.
waa sida ku qoran warbixinta ANP/ DPA

Digniin: Waxa ay sheegayaan dhakhtaradu in la iska dhaqo diirkana laga hoolo ama qashiro.

Macluumaadkii . ANP/ DPA iyo NOS

M.Farah Aden.(Ghandi)

Related Items


Leave a comment