Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ah oo go’aano ay ka soo baxeen

Saturday June 04, 2011 - 01:09:34
0 Comments
946
Super Admin
Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ah oo go’aano ay ka soo baxeen
Shirkii 19-aad Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Kampala iyadoo aan laga soo saarin qodobo la isku raacsan yahay.

Shirka oo lagu waday inuu kasoo baxo Warmurtiyeed loogu talagalay Saxaafadda ayaa lagu heshii waayay markii loo qeybiyey xubnihii shirka kasoo qeyb galay qodobo qabyo ah, iyadoo ay Saxaafadda ay heshay nuqul ka mid ah qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku qornaa Qoraalka qabyada ah.

Ugu horeyntii Warmurtiyeedka ayaa teegaraya howlgalka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu mahadceliyay wadamada Uganda iyo Burundi oo ciidamadooda u huray iny geeyan Soomaaliya sida lagu yiri Warmurtiyeedka, iyadoo Beesha Caalamka ay soo jeedisay in la qabto doorashooyin si howlgalka Milatari ee ka socda Muqdisho aan loo cuuryaamin.

Si looga baxo xilliga KMG ah ayaa la sheegay in muhiim ay tahay in lala tashto wadamada gobolka iyo Beesha Caalamka, iyagoo carabka ku adkeeyay in xilliga KMG uu ku egyahay August 2011-ka.

Waxa ay taageereen Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya hadalkii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramda Midoobay oo sheegayay in qeybaha kala duwan ee dowladda is badalo lagu sameeyo sida ugu dhawna Madaxda dowladda ay u gaaraan hishiis ay ku dheehan tahay in doorasho ay dhacdo.

Shirka ayaa waxa uu soo dhaweyay in Ambassador Augustine Mahiga uu horkaco shirka June ee la filayo in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho uuna soo gudbiyo waxbixinadii kasoo baxa shirkaasi.

Warmurtiyeedka qabyada ah ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu xusay in hadii Madaxda dowladda ay hishiis gaari waayaan ay horseedi karto in Beesha Caalamka ay taageerada kala laabtaan dowladda macquulna ay tahay in cunuqabtayna lagu soo rogo dalka.

Qoraalkaan ayaa wali laga gaarin heshiis kaasi oo ku aadan in laga dhigo midka rasmiga ah ee kasoo baxay shirka, waxaana jiro guddi loo xil saaray inay isla soo gartaan Warmurtiyeedka ugu dambeeyo ee kasoo baxay shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdinuur Mascud

Related Items


Leave a comment