Nairobia; Qarax ka dhacay Nairobi oo dad badan wax ku noqdeen

Monday June 06, 2011 - 11:44:36
0 Comments
932
Super Admin
Waxaa maalinimadii shalay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka dhacay Qarax xoogan bartamaha magaalada halkaasi oo ay dhaawacyo badan kasoo gaareen dad ku sugnaa goobta qaraxa ka dhacay.

Hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu illaa iyo hada ku dhintay qaraxaasi ka dhacay wadadaKirinyaga road, oo ku taal farasmagaalaha magaalada Nairobi. Sidoo kale 36 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxan aan illaa iyo hada la aqoon waxa sababay.

Dabka ka dhashay qaraxa ayaa sidoo kale khasaare u geystay goob shidaal oo ku taal wadadaasi, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dabsamiska iyo waliba kuwa amniga oo weli wada baaritaan ku aadan qaraxan, waxaana la sheegay in waxyaabaha laga baarayo qaraxa ay kamid tahay inuu ahaa weerar argagaxiso iyo inkale.

Raysalwasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa booqday goobta, ayadoo dadka dhaawacyada soo gaareen oo lagu hayo dhawr isbitaal oo kala duwan la sheegay in qaar kamid ah ay qabaan dhaawacyo culus.

Dalka Kenya ayaa ciidamada heegan sare la gashay tan iyo 1dii bishii May xiligii la dilay hogaamiyihii Al Qaida ee Osama Bin Ladin, ayadoo kooxda Al Shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya horey ugu hanjabtay inay Kenya la beegsan doonaan weeraro.

burtinletimes@hotmail.com

xigasho Horseed

Related Items


Leave a comment