Labada Shariif shar-wade ama shabiga somaliyeed raac?

Thursday June 16, 2011 - 02:21:37
0 Comments
1226
Super Admin

Qof kasta oo Somali waxaa maanta hor taal doorasho an an suurto galineyn leexleexasho, lakiin iyo hadii midna Waxaa hortaal in u kala doorto shariif-da sharka wada iyo shacbiga somaliyeed ee doonaya in u qaranimadiisa badbadsado.

Waxaa hortaal in u yiraahdo maya:Qaran iibiinta, dilka, bad- ku- dhimashada, xabsiyo dibadeed ku qurmida dhallinyarada, barakicinta joogtada ah, kufsiga, ihaanada iyo inama u haah intaasoooo idil yiraahdo.

waxaa mid la mid ahdorashadaasi hortaal kuwa ku xabgaysta sa magaca shacbiga oo dhaha wakiilbaan ka nahay.

Arrinta lagu la isku haysto ee laga doonayaain qof kasta u mawqif ka qaataa waa: ma waxaa la raacaya oo muhim u ah Somali oo idil raalli galinta laba shariif oo ku heshiiyey in ayagu kursi ku sii fadhiyaan say dhiiga shacbiga somaliyeed ugu sii qaraabtaan oo u gataan wax kasta oo somaliya la dhaafin karo iyo in Somalia laga qabto AL-shabaab,warlord iyo si-xun-u-nool oo la wada ogyahay waxa ay shacbiga somaliyeed badeen.

Shariif Xasan waa la la’ yahay oo wuxuu ku maqan yahay soo xaraysga khidmadii ugu soo bislaataysoo xerogalinta go’aamadii qaran dhiibka ah ee kampalaama dhumaalaysiyuu kujiraa asagoo ogin an Somali si sahlan loogu sheegi Karin nasiib darrada ka dhcday kampala.

Shariif Ahmed meshiiu dadka somalida wax loo qaateen ah uga sheegi lahaa wuxuu qiray in xukumadu waxa wanaagsan samaysaylakiin Shariif Aden ka doonay asaga suu ugu oggolaado kursi ku sii joog in la cayrsho Formaajo iyo xukuumadiisa kuwaaso horistaagey danaha qolooyinka asaga (Sharif aden )u shaqeeyo.Jid u furida danahaas la horistaagey ayeyahayd waxaAden iyo Mahiga dallalka ka ahaayeen oo loo soo diray in ayfuliyaan asaguna (shariifahmed) u dan wuxuu moodey in danaha iyo qaranimada Somali ay ka Muhimsan tahay in sanadu sii xajisto. Intaa yaa kala weynaatey danaha somaliyeed iyo waxqabadka xukuumadaba.

Wax yaabaha kale ee u shariif Axmed ku hadlay sida dad qarsoon yaa daba ka wada bannaan baxyada waa axmaq-nimo ay ka muuqatosi cad ihaano loo geystey shacbiga somaliyeed oo idil. Isla markaa Waa qaab duugoobey oo somaliyi ka soo daashayoo warlord-yaalku waayo hore , markii jidka kastaa ka soo xirmo,ay taagero reer iyo beer laxawsiqabiil ku raadin jiren.

Hadalka shariifku jawaab ma siin shacbiga somaliyeed mana siin Karin. Sharrif Axmed waxaa u yiri lacagbaa la bixiyey oo lagu abaabuley bannaan-baxyada. Yaabixiyey ?ma Formaajo iyo xukumadiisa bixiyey?Ma loo qaateenbaa in Formaajo iyo saaxibadi lacag geeyeen, Xagardheer, Stocholm, Nairobi, Usaiyo London. waa waalli iyo argagax ka imaanaya been iyo khiyaamo an cududaar loo heli Karin oo ah dhab jirta.

Si kastaba waxaa run kharaar ah in bannaanbaxyada meel kasta ka dhacay kana dhici doona waxa kharash garaynaya ee abaabulayaa ay yihiin kuwii 2006dii asaga(shariif ) iyo maxaakimtiisii ku taageerayeymaalkooda iyo muruqoodaba , markii Muuse Sudi,Mxamed , Cabdiqaybdiidiyo kuwo kale oo siyaasidiisamaanta qorshaynayaaay lahaayeen :maydadka waxa shariif ku sheegayaa shuhadaa waa urayaan ee ma shuhadaa baa urta urta?Xasuus gaabnaa shariif-ku

Banaanbaxayaalku meel ay joogaan-ba hadafkoodu ma aha qof (formaajo)ee waa qadiyad.waa badbaado qaran iyo cidii u muuqata in ay wado.

Bannaanbaxeyaalku waa isla kuwiishalay xaqa iyo islanimada ku taageerayeysharifka maantana asagaa cadawga somaliyeed u tillabay guuldarro yaana sugaysa oo an cidina ka baajin Karin.

Xir-xirka iyo hanjabaaduhu u u soo jidiyeyshacbigu meel gaari maayaan. Nasiib darro shariifka af kali ah ee an somaliga ahayn ee la sheego in u wax ka yaqaan waa carabiga haddana iska daa taariikh hore ee banii adankee xataa waxba uma ay tarin oo darsi kama dhigan waxyaabaha bilahan dambe ka dhacay dalalka carabta oo ah in an shacbi idil xoog iyo been lagu horjoogsan Karin.

Talo :

Waxaa habboon in af iyo gacamba la taageero banaanbaxeyaalka

la dalbadoin xilka ay banneeyaan labada Shariif maxkamad-na la horkeeno

laga dalbo barlamaanka in wax kama jiraanku sheego heshiis-ku-sheega kampala

InMahiga , madaama u lumiyey kalsonidii, shacbiga somaliyeed una takrifalay midi xoghaya guud ee qaramada midoobey , laga qaado xilka u qaybsanaha somalia


Related Items


Leave a comment