Cabdirsaaq Sh. Muxidiin' Putland Shidal Ma Soo Saari Karto.

Friday June 17, 2011 - 23:50:57
0 Comments
839
Super Admin
Wasiirka macdanta,biyaha,tamarta iyo shidaalk Dowlada Soomaalia Cabdirsaaq Sh. Muxidiin ayaa markii ugu horeysay Ha ka hadlay howlaha Macdan baarita ah ee ay wado Dowlad goboleedka Putland ee hoos taga Dowlada KMG ah ee Soomaalia.
Wasiirka ayaa masuuliyiinta Dowlada Putland uga digay in ay xiligan Goboladasi ka sameeyaan howlo macdan baaris ah iyadoo aysan waxba ka ogeyn dowlada dhexe ee u madaxda ka yahay shiikh shariif shiikh Axmed

Cabdirsaaq Sh. Muxidiin ayaa maamulka Putland iyo shirkadaha ay heeshiska la gashay ugu baaqay in ay kuso wareejiyaan dowlada KMG ah ee soomaalia isgoo carbka ku dhiftay in dowlad kmg Soomali ay dalka oo dhan masuuliyad Ka saarantahay.

Dowlada Putland ayaa dhawan heshis madacdan qodis ah mudo sanad ah ugu kordhisauy shirkada African oil si ay howlo macdan baaris ah uga sameyso deeganada Putland heshiskaas oo sida la sheegay ku eg ilaa sanadka 2012ka.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka macdanta,biyaha,tamarta iyo shidaalk Dowlada Soomaalia ayaan weli ka jawabin Dowlada Putland iyadoo ay jirto in xiirir Fiican uusan ka dhaxeyn dowlada KMG ah iyo Putland.


Xafiiska Warqabadka Burtinletimes Ee Narobi Kenya.

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment