Ra'iisal wasaarihii hore ee Israel, Ariel Sharon, oo ku geeriyooday Magaalada Tel Aviv

Sunday January 12, 2014 - 07:01:10
0 Comments
865
Super Admin
Ra'iisal wasaarihii hore ee Israel, Ariel Sharon, ayaa geeriyooday. Wuxuu miyir doorsanaa siddeed sanno tan iyo 2006-dii, kadib markii uu ku dhacay qalal. Ariel Sharon ayaa ahaa 85 jir.

Waxaa lagu daawaynayay isbitaal ku yaala dibadda Tel Aviv. Warbixin ayaa goor dhow laga filayaa isbitaalka.

Ariel Sharon, waxaa loo yaqaanay burburiye, Wuxuu qayb wayn ka qaatay ciidanka iyo siyaasada Israel. Dad badan Israel wuxuu ahaa geesi, isagoo hogaaminayay ololayaashii dagaalkii 1967 iyo 1973dii.

Laakiin falastiiniyiin badan wuxuu ahaa dad qal, markii uu amray 1982-dii weerarkii magaalo madaxda Labnaan ee Beirut, markii maleeshiyada kiristaanka xasuuqeen kumanaan Falastiiniyiin ah oo rayad ah, oo ku jiray xerooyinka qaxootiga ee Sabra iyo Shatila ee Labnaan.

Gudi Israel oo baaray ayaa ku helay inuu masuul ka ahaa xasuuqa, wuxuuna iska casilay wasiirka gaashaandhiga.

Booqasho uu ku tagay masaajidka Al Aqsa ee Jerusalem sanadkii 2000, ayaa keentay in Falastiiniyiinta ay sameeyaan kacdoon. Laakiin waxaa loo doortay Raiisal Wasaare sanadkii xigay ee 2001-dii.

Wuxuu mar yiri "qofna iima sheegi karo in nabad loo baahan yahay, aniga ayaa ka mid ah dadka dagaalka ku jiro". Waa run in Sharon uu ka dagaalamay afartii dagaal ee Israel.

Sharon wuxuu xooga saaray waqtiyadii danbe in Israel ay ka soo baxdo Qasa, iyadoo xisbigiisa ay ku diidanaayeen siyaasadan. laakiin wuxuu dhiiri galiyay in ay dadka Yuhuuda ay degaan dhulka lahaysto ee Daanta Galbeed, iyo in la dhiso darbiga dheer ee kala qaybiya Israel iyo Falastiiniyiinta. Wuxuu ku dhashay Sharon Valley 1928-dii dhulka falastiiniyiinta ee uu Britishka maamulayay.

Soource: BBC

Related Items


Leave a comment