Dagaalo Caawa Ka Soconaya Magaaladda Muqdisho.

Monday June 27, 2011 - 22:25:24
0 Comments
1174
Super Admin
Muqdisho: Dagaalo u dhexeeya Ciidamadda Dowladda KMG ah oo ay kaabayaan kuwa AMISOM ayaa Caawa ka soconaya qeybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,sida ay ku soo Waramayaan Dad goob joogayaal ahi.
Dhinacyadda Dagaalamayaa ayaa isku adeegsanaya Hub-ka Noocyaddiisa kala duwan,iyagoo sidoo kale Madaafiic ku Garaacaya Degaanadda ay ku kala tuumayaan innay dhufeeysyo ku leeyihiin.

Dagaaladda iyo Madaafiicda Caawa ka dhacaysa qeybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho ayaa daba socda Dagaalo iyo Duqeymo Saaka ilaa Galabta ka dhacayay halkaasi.

Ilaa hadda lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalka ilaa Maanta,balse waxaa la soo sheegayaa innay jiraan Dad Rayid ah oo ay haleeshay Rasaas Wiifto ahi.

Ugu dambeeyntii Dagaaladdaan ayaa ka mid ah kuwo aan Natiijo laheyn oo badanaa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya

Burtinletimes Muqdisho

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment