Xildhibaanad ka Tirsan Aqalka Congress-ka  Gobalka Meninsota Oo Lagu Soo Dhaweeyay Muqdisho.

Monday December 25, 2023 - 18:39:32
0 Comments
68
ahmed raajaa
MUQDISHO
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Hodan Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Congress-ka  Gobalka Meninsota ee dalka Mareykanka.

Xildhibaano ka socday labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,wasiiro  iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir.

Soo dhaweynta ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin dowladda ee Soo dhaweyn diiran u sameeyay Xil. Hodon Xasan oo ka tirsan Aqalka Congress-ka  Gobalka Meninsota ee dalka Mareykanka.

Wasiir kuxogeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Isaaq Ibraahim ayaa tilmaamay in ka dowlad ahaan ay soo dhaweynayaan hodon iney dalkeeda koowaad ay timaado.

Xil. Hodon Xasan ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta  ay u sameeyay masuuliyiinta ka socotay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment