15 Oo ku Dhimatay Dagaal Shalay Ka Dhacay Garbahaarey.

Wednesday June 29, 2011 - 14:17:15
0 Comments
1029
Super Admin
Garbahaarey: Inta la ogyahay 15 qof ayaa ku geeriyootay 10 qofna dhaawcyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaal Shalay Gelinkii danbe ku dhex maray ciidanka dowlada KMG ah iyo Al-shabab degmada garbahaarey ee Gobolka Gedo
Dagaalka ayaa xoogiisa bilowday kadib markii maleeshiyaadka Alshabab weerar gaadmo ah ku qadeen kolonyo Ciidamada dowlada KMG ah oo u socday Degmada Garbaharey ee gobolka gado ciidamadas oo ahaa kuwi dhawan lagu Soo tababaray dalka Ethopia oo gudah u galayay gobolka Gado.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah gudmooyihaha gobolka Gedo ee dowlada KMG ah ee soomaalia ayaa warbaahinta ushegay in ciidakooda weerar gaadmo ah ay kuso qadeen Shabaabka balse ay iska caabin badan sameeyen waxana u mr Kaliil Sheegay in ay ilaa 12 dhalinyaro ka tiran Alshabab ku dileen dagaalkasi dhex maray.
Dhanka kale Afhayen u halay shababka ee gedo joga ayaa shegay in ay wadooyinka u galen ciidanka dowlada KMG ah ee Gobolka Gedo isagoo shegay in ay qasaaro dhimasho iyo dhawac daran u geysteen ciidamadasi.

Labada dhinac ee dagaalku shalay dhex maray ayaa sheeganaya qasaarooyin balse aan ila hada lahubin
Goobihii laga dugalamay shalay ayaa maanta degen.

Burtinletimes Garbahaarey

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment