Ururka NUSOJ Oo Cambaareyey Xariga Weriye Feysal Boston.

Thursday June 30, 2011 - 23:03:14
0 Comments
883
Super Admin
Ururka Saxaafiyinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ka hadlay Xarig shalay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay Weriye Feysal Maxamed Xassan (Boston) oo kamid ah Saxaafiyinta ka howlgala magaalada
Wakiilka NUSOJ ee Puntland mudane C/weli Xassan Gooni ayaa sheegay in ay cambaareynayaan xarigaas sharci darrada kuna baaqay in xorriyadiisa dib loo celiyo Weriye Feysal Boston oo maalinta labaad ku xiran Saldhiga dhexe ee Bosaaso.

C/weli Gooni ayaa xusey in looga baahan yahay maamulka iyo Booliska in ay ilaaliyaan xuquuqda qof Saxafiga ah isla markaana oo ay tixgeliyaan xorriyada.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Col.Cali Nuur Cumar oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha Bosaaso ayaa sheegay in uusan ka war hayn xariga Wariyahaas isagoo sheegay in uusan lasocon haba yaraatee,waxaana ay arintaan muujinaysa in uusan jirin wada shaqeyn ka dhaxeeya laamaha amaanka.

Weriye Feysal Boston ayaa shalay ay xireen Ciidamada amaanka,waxaana aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa xarigiisa inkastoo wararka qaar ay sheegaayan in loo haysto warbixin uu kusoo daabacay mid kamid ah websiteyada Soomaaliyeed.

Xigasho Bosaso Press.

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment