7-Dhimasho 8-Dhaawac Dagaal Ka Dhacay Muqdug

Sunday July 03, 2011 - 13:33:43
0 Comments
1094
Super Admin
Dagaal Xoogan oo isku adeegsaday Hub-ka Noocyaddiisa kala ayaa Saaka ka dhacay Tuulo 100-KM Koonfur Galbeed kaga beegan Magaaladda Gaalkacyo.
Inta la hubo ilaa hadda 7-Ruux ayaa ku Dhimatay Dagaalka Saaka 8-Qof oo kalana Dhaawacyo ayaa ka soo gaaray waxaana haatan lagu kala dabiibayaa Magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo.

Sida ay ku soo Waramayaan Dad goob jogayaal ahi Dagaalka ayaa Markii horay ku bilowday Muran dhex maray Xoolo dhaqato balse waxaa haatan uu isku badelay Dagaal Beeloodyo.

Sikastaba ha ataaee ilaa hadda ma jirto cid wada Dadaalo Nabadeed oo lagu joojinayo Dagaaladda Saaka ka Qarxay Gobalka Mudug.


Burtinletimes Galkacyo

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment