Al-shabaab oo gargaar kala duwan u qaybisay barakacayaal ku nool Lambar 50

Friday July 08, 2011 - 19:10:24
0 Comments
1126
Super Admin

Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada hoose ayaa hirgelisay xero aad u weyn oo loogu talo-galay in lagu daryeelo barakacayaasha kasoo hayaamaya deegaanadii ay ku noolaayeen sababo la xiriira abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Xerada loo diyaariyay dadka barakacayaasha ah ayaa lagu magacaabaa xerada barakacayaasha ee Aala-Yaasir, waxayna ku taallaa garoonka diyaaradaha ee lambar 50 oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, waxaana loogu diyaariyay halkaas adeegyadii ay u baahnaayeen dadkaas ay abaaruhu soo barakiciyeen.

Xerada ayaa waxaa ka socda raashin qaybin loo sameynayo dadka barakacayaasha ah, iyadoo masuuliyiinta xerada ay sheegeen in qoys walba oo halkaas ku sugan ay siiyeen wixii raashin ah oo ay ku noolaan lahaayeen muddo 15-maalmood ah oo soo socota, sidoo kalena markii ay ka dhammaato lasiin doono garaar kale.

Sidoo kale, xerada ayaa waxaa laga hirgeliyay dibu-dejin dadka soo barakacay iyadoo maamulka Islaamiga ah uu qaybiyay teendhooyin aad u wanaagsan iyo baco loogu talo-galay in dadku ay roobka ka dugaashadaan.

Arrinta caafimaadka ayaanan iyaduna goobta ka maqnayn, iyadoo xerada ay ka howl-galaan dhaqaatiir isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo dawayn lacag la'aan ah u sameeya barakacayaasha, sidoo kale waxaa jira masaajid iyo dugsi Qur'aan laga dhigto oo laga dhisay xeradaas si ay barakacayaashu uga faa'iideystaan wax barashada iyo cibaadada.

Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa gobolka Shabeellada hoose ayaa si joogta ah kormeer ugu taga xerada Aal-Yaasir si ay u hubiyaan habsami u socodka howlaha gurmadka abaaraha ah ee halkaas ka socda.

Masuuliyiinta booqday xerada shalay oo Arbaco ahayd ayaa waxaa ka mid ahaa: Sheekh Xasan Daahir Aways, Sheekh Xasan Maxamad Cali, Sheekh Maxamed Abu-Cabdalla iyo Inj. Xuseen Xaaji Cabdi "Aw-gaab" oo isagu ah mas'uulka ugu sarreeya gudiga gurmadka abaaraha Shabeellada hoose.

Inj. Xuseen Aw-gaab oo warbaahinta kula hadlay gudaha xerada Aala-Yaasir ayaa sheegay in xerada ay hadda ku jiraan 1,500-qoys oo kasoo kala barakacay qaybo ka mid ah gobollada dalka, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan in tiradu ay intaas kasii badato maadaama ay dadku weli kusoo qulqulayaan xerada.

Sheekh Xasan Daahir oo isguna warbaahinta la hadlay ayaa u mahad-celiyay cid walba oo gacan ka gaysatay hirgelinta xeradaas, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta inay xil gaar ah iska saaraan sidii loo samata bixin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Dhawaan ayay ahayd markii Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay shaaca ka qaadeen inay dib-u-habayn u sameyn doonaan guddiga gurmadka abaaraha dadka soo barakacay, si sare loogu qaado wax qabadka ay dadkaasi ka helayaan dhanka maamullada Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment