Dooni Ganacsi Oo Gacanta u gashay Burcad Badeed.

Thursday July 14, 2011 - 14:35:44
0 Comments
945
Super Admin
Dooni nooca ganacsiga ah oo ka furatay degeda magalad bosaso ee xarunta ganacsiga puntland ayaa gacanta u gashay Koox burcad badeed soomali ah xili ay doonta kusii jeeday dalka Cumaan.
Doontan ayaa waxa ay siday Ari aad u tira badn iyadoo ku jeeday deket ku taala dalka cumaan balse waxa jidka u galay Oo Af duubay koox bur cad badeed soomali ah kuwasoo la aaday Dhanka xeebabaha caluula e isla gobolka bari.

Sida u warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka ganacsiga putland Mr Xasan Faarax Jaamac ayaa si Rasmi ah u shaaciyay in ay jirto Afdubka doonta waxana u sheegay doontasi ganacsiga laga lahaa dalka Pakistan balse ay u rarneyd ganacsto Reer Puntland ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ay hadan ciidanka Amaanka putland ku howlan yihiin sidii ay usoo furan lahaayeen doonidan ganacsiga ee gacanta u gashay burcad badeedka soomaalida ah balse wasirka ayaa shaaciyay in burcadu aysan Afduub Rasmi ah u geysan doonida balse ay doonayaan in ay barakibta waweyn ku ugaarsadaan.

Mana aha markii ugu horeysay ee dooni ganacsi ay Afduub u geystaan kooxda shufta badeeda ee ka qowleysata xeebaha dalka soomaalia.

Burtinletimes Bosaso

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment