Ciidamadda Fransiis-ka Oo Askari Looga Dilay Afghan

Thursday July 14, 2011 - 22:42:34
0 Comments
880
Super Admin
Ciidamadda Fransiis-ka (France) ee ku sugan Dalka Afghanistaan ayaa Askari Maanta oo Khamiis ah looga dilay Dalkaasi Markii ay Weerar kala kulmeen Xoogaga Islaamiyiinta ah ee Daalibaan
Dilka Askarigaan ayaa laga xaqiijiyay Xafiis-ka Madaxweyne Nicolas Sarkozy,waxaana uu imaanayaa xilli Shalay 5-Askari lagu dilay Dalkaasi oo ay kuwo Fransiis ahi ku jireen.

307-Askari ayaa Ciidamadda Isbahaysiga NATO looga Dilay Dalka Afghnistaan,halka Askarigaan Maanta laga dilay Fransiis-ka uu ka dhigayo Askarta laga laayay 70.

Laga soo bilaabo 2001-ddii Ciidamadda Isbahaystay ee uu Maraykan-ku Hogaaminayo ayaa Afghanistaan looga dilay 2,588-Askari.

Ciidamadda Isbahaysiga NATO ee uu Maraykan-ku Hogaaminayo ama Horboodayo ayaa waxaa Dalka Afghanistaan ka jooga 150,000-Askari,iyadoo ay sii xoogaysanayaan Islaamiyiinta Daalibaan.

Ugu dambeyntii Dalka Fransiis-ka ayaa Afghanistaan waxaa ka jooga 4,000-Askari,waxaana Madaxweynaha Dalkaasi uu dhawaan ka dhawaajiyay in dhamaadka Sanadka 2012-ka uu kala bixi doono 1,000 Askari.

Burtinletimes Afghanistan.

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment