Shariif Shiikh Ahmed iyo Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG ah oo wada jir uga hadlay ka bixitaanki Xarakada Alshabaab

Saturday August 06, 2011 - 20:13:20
0 Comments
2391
Super Admin
Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG ah oo wada jir uga hadlay ka bixitaanki Xarakada Alshabaab ee Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Sh.Axmed iyo Ra'iisulwasaare C/weli Maxamed Cali gaas ayaa goor dhow shir jaraa'id ay wada jir u qabteen waxaa ay kaga hadleen isbadalka Muqdisho ku yimid saaka markii si lama filaan ah ciidamadii Alshabaab uga baxeen Muqdisho.

Madaxweyne shariif waxaa uu tilmaamay in ka bixitaanka Xarakada Alshabaab ee Muqdisho ay cadeyn u tahay sida uu yiri burbur ku yimid Xarakadaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka inaysan ku degdegin tagitaanka aagaga alshabaab ka baxeen isagoo tilmaamay inay suuragal tahay in dhibaato ka soo gaarto.

"waad ogtihiin hagardaamada kooxda Alshabaab waxaan leenahay shacabku yaanu ku degdegin meelaha alshabaab ciidamadoodu ka baxeen"yuu yiri Madaxweyne shariif oo dhanka kale xusay inay gudi amni iyo xaqiijin u saareenb meelaha ay ka baxeen xarakada Alshabaab.

mar uu dareenkiisa ka hadlayay ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay guul uu sheegay inay Muqdsho ka gaareen isagoo xusay in guushaasi tahay mid ay mudo sugayeen.

Sidoo kale Ra'iisulwasaare C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa isagu hadalkiisa ka bilaabay inuu u hanbalyeeyo ciidamada Dowlada ee dagaalada kula jirey xarakada Alshabaab.

"ciidamada qalabka sida ee guusha horseeday waxaan leenahay u taagnaada sugida amniga dalkiina iyo diintiina"ayuu yiri C/wali Maxamed Cali gaas.

Dhanka kale madaxweyne shariiif waxaa uu si kulul uga hadlay dhacdo fool xun oo shalay ka dhacday kaamka Badbaado kadib markii ciidamada Dowlada qaarkood laayeen dadkii abaaraha ku soo barakacay islamarkaana boobeen raahsin iyaga loogu talo galay.

Madaxweynaha waxaa uu carabka ku dhuftay in talaabo adag laga qaadi doono askartii ka danbeysay falkaasi isagoo muujiyay inuu aad uga xun yahay in dadka barakacayaasha la dhibaateeyo.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha

burtinletimes.com

Abdi isamil

Related Items


Leave a comment