Wefdi Ka Socda Dalka Turki-ga Oo Gaaray Muqdisho

Monday August 15, 2011 - 00:49:55
0 Comments
1136
Super Admin
Wefdi ka socday Dalka Turki-ga ayaa Maanta gaaray Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,halkaasoo ay ku nool-yihiin Boqolaal Ruux oo ay saameeyeen Abaaraha halkaasi ka jira.
Wefdigaan ayaa ka Kooban Mas'uuliyiin ka socda Xafiiska Ra'iisul-wasaaraha Turki-ga,Wasaaradda Caafimaad iyo Takhaatiir.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Wefdigaan Garoon-ka Diyaaradaha ee Magaaladda Miqdisho.

Wefdiga ayaa sheegay innay Bari Magaaladda Muqdisho soo gaari doono Markab ka socda Dalka Turki-ga oo Shixnad Gar-gaar ah wada.

Ugu dambeyntii Wefdigaan ayaa hordhac u ah Wefdi uu Hogaaminayo Ra'iisul-wasaaraha Turki-ga oo lafilayo innay Muqdisho imaadaan.
Burtinletimes Muqdisho Soomalia
Burtineletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment