War deg deg ah: Madaxweyne Shiikh Shariif oo gaaray Garoowe.

Sunday August 28, 2011 - 15:24:02
0 Comments
995
Super Admin
Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Garowe
Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Garowe
Madaxweyne Shariif iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaallada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland.

Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid horey loo sii qorsheeyey ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey Ra'iisul wasaaraha Somaliya Mudane,Cabdiweli Ali Gaas,Madaxweynaha Puntland Dr,Abdirahman Faroole iyo qaar kale oo ka mid ah xukuumada Somaliya iyo mida Puntland.

Kadib soo gaarista uu soo gaaray garoonka diyaaradaha magaallada Garowe madaxweyne Shiikh Shariif waxa uu lugta soo mariyey xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha somaliyeed ee ku jira garowe,waxaana uuna sidoo kale dhex lugeeyey magaallada Garowe,iyaddoo uu halkaasi mid mid uu ugu salaamayey dadweynaha reer Puntland ee ka qeybqaadanayey soo dhaweynta madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa Garowe u yimid sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midowbay u qaabilsan arimaha Somaliya,kuwaasi oo ay kawada hadli doonan shirka lagu wado inuu ka furmo muqdisho 4- bisha fooda inagu soo heysa. Waxaana shirkaasi uu yahay mid looga hadli doono mustaqbalka somaliya ay ku jiheysan doono marka ay dhamaato xiliga ku meelgaarka ah ee Dowlada hada jirta.

Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Shariif Shiikh Ahmed soo gaaro deegaanka Puntland,waxaana socdalkan uu yahay mid lagu soo afjari doono isfaham-waagii ka dhex jiray Maamulka Puntland iyo Dowlada Somaliya,waxaana arintan gogol xaar ay u ahaa Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Ali Gaas oo horey usii joogay Garowe,isla markaana ah mas'uul asal ahaan kasoo jeeda deegaankaasi.

Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalka Madaxweynaha Somaliya uu ku jooga Garowe kala soco wararkeena danbe.

buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment