Roob lacag ah oo saaka ka da'ay jidka A2 ee Holland

Wednesday August 31, 2011 - 21:53:51
0 Comments
976
Super Admin
Saaka Subaxii gaadiidka qada lacagta ee Holland oo marayey jidka wayn ee A2 ayaa lacag ay ka daadatey, sida wararku ay sheegayaan baabuurkan siday lacagta ayaa waxaa furmay sanduuq ka mid ah sanduuqyada lacagta lagu qaado kaas oo hawada ay raacday.
islamarkiiba gadiidlayda kale ee maraysay jidka ayaa baabuurta joojisay oo lacagtii guratay, taas oo saxaafadaha qaarkood ay ugu ay ugu yeedheen Roob lacag ah oo ku hooray jidka wayn ee A2 Holland ee isku xidha Limburg iyo Amstedam
Ciidanka Police-ka oo soo gadhay goobta roobka lacagtu uu ku da'ay ayaa ka codsaday dadka lacagt ku shubtay jeebka in ay si tabaruca ay ugu soo celiyaan xaqlaha iska lahaa lacagta, inkasta oo qaaarkood ay isla markiiba ay dib u celiyeen lacgta iyagoo ku tilmamay in ay dhowrayaan sumcada wadanka , halka kuwa ay wadniyadu ay ku yartahayna ay qaarkood ay u hal dhaabaalaysteen sida hoobaanta

NB.Warkan markii aan arkay waxa an xasuustay maahmaahdii somaaliyeed ee Waraabaha ama dhurwaaga ee arkay daanyeerka buurta sii fuulaya ama koraya ee xaga .. ay wada castahay ama guduudnaa, taas oo uu yidhi dhurwaagii Illaahoow ragna Hilib bay dabadda ku wadh-wadheen ragna meel ay u gaadahaan ayay laayihiin

Warbaahinta Holland
M.Farah Aden( Ghandi

Related Items


Leave a comment