Ganacsade Daroogu Ku Beeraya Degaanadda Galmudug

Friday September 02, 2011 - 01:24:40
0 Comments
706
Super Admin

Warbixin loo gudbiyey golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegey in ganacsade u dhashay Koonfur Afrika uu maalgaliyo maleeshiyo fadhigeedu yahay maamul goboleedka Galmudug si halkaasi ay uga beeraan maandooriyeyaal.

Ganacsadahani ayaa magaciisa lagu sheegey Paul Calder le Roux oo fadhigiisa yahay magaalada Manila ee dalka Philipine, shirkadiisana waxaa lagu magacaabaa Southern Ace, waxa la sheegey in uu heshiis la galay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Liibaan Maxamed Axmed kaasoo u tabobaray maleeshiyaad gaaraya 220 askari.

Waxaa la sheegey in deegaan ka mid ah gobolada dhexe laga beerey beero daroogada qaaliga ah, islamarkaasina la geeyey hub badan, iyadoo ciidamada la siinayay mushaaraad bishiiba $300.

Waxay warbixintu sheegtey in ganacsadahani uu Soomaaliya ku qarashgareeyey waxka badan 3 malyan iyo bar doolar 2009kii illaa sanadkani 2011-ga.

Waxa ay xitaa warbixintu ku doodeysaa in la’isku dayay in maleeshiyaadkani loo isticmaalo in ay la wareegaan awooda gobolka, iyagoo ugu yaraana marna qeyb ka noqdey dagaal beeleed dhacay bishii November ee sanadkii tagay.

Waxaa xitaa ay soo hadalqaaday warbixinta in mar ay isku dhaceen Liibaan iyo Le Roux, taasoo sababtay in Liibaan la xiro mudo 2 todobaad ah.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo ay soo baxdo in daroogo laga beero gudaha Soomaaliya, islamarkaasina shirkado shisheeye oo maafiyoos ah ay ku lug leeyihiin howlahaasi oo waliba sii hurinaya colaadaha Soomaaliya ka jira.


Warbixintoo English ah

http://www.news24.com/SouthAfrica/News/SA-businessman-linked-to-Somali-militia-drug-trade-20110827-2

Related Items


Leave a comment