Qoorqoor oo ka hadlay kalfadhiga 9-aad ee barlamaanka Galmudug

Tuesday January 30, 2024 - 22:28:35
0 Comments
74
ahmed raajaa
GALMUDUG
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Maxamed Nuur Gacal ayaa furay kalfadhiga 9-aad ee golaha Wakiillada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Qooorqoor ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo ay ku dhinteen xubno ka mid ah baarlamanka Galmudug, isagoo xusay in ay xoogga saarayaan sidii looga ciriribtiri lahaa deegaanada ay wali kaga harsanyihiin Galmudug.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa Golaha uga mahad celiyay waxqabadkii ballaarnaa ee soo qabteen kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo isla xisaabtanka joogtada ah ee ay wadaan mudanayaasha Golahu, isagoo sidoo kale ammaanay sida ay ahmiyadda u siiyeen hawlaha hortabinta u leh.

MEERAYSANE.COM

Related Items


Leave a comment